1Oo boqorkii Caraad, oo reer Kancaan, oo xagga koonfureed degganaa ayaa maqlay in reer binu Israa'iil ka yimaadeen xagga jidka Ataariim, markaasuu la diriray reer binu Israa'iil oo qaarkood qabsaday.
1Kanaaniečių karalius Aradas, kuris gyveno krašto pietuose, išgirdęs, kad izraelitai ateina iš Atarimo, išėjo į kovą prieš juos ir kelis paėmė į nelaisvę.
2Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga nidar u nidreen oo waxay yidhaahdeen, Hubaal haddaad dadkan gacantayada soo gelisid markaas magaalooyinkooda oo dhan waannu wada baabbi'inaynaa.
2Izraelitai padarė įžadą Viešpačiui: “Jei atiduosi šitą tautą į mūsų rankas, sunaikinsime jos miestus”.
3Oo Rabbigu wuu dhegaystay codkii reer binu Israa'iil, oo gacantooda buu soo geliyey reer Kancaan, oo iyana iyagii iyo magaalooyinkoodiiba way wada baabbi'iyeen, oo meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey Xormaah.
3Viešpats išklausė izraelitų prašymo ir atidavė jiems kanaaniečius, kuriuos jie nugalėjo, sunaikino juos ir jų miestus. Jie praminė aną vietą Horma.
4Oo Buur Xor waxay uga guureen xagga jidka loo maro Badda Cas inay hareer ka maraan dalka reer Edom. Markaasay dadku aad u qalbi jabeen jidkii daraaddiis.
4Nuo Horo kalno jie ėjo keliu, vedančiu Raudonosios jūros link, kad aplenktų Edomo žemę. Kelionėje tauta nerimavo,
5Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.
5ji kalbėjo prieš Dievą ir Mozę: “Kodėl mus išvedėte iš Egipto numirti dykumoje? Nėra duonos, nėra vandens, mums įgriso tas menkavertis maistas”.
6Markaasaa Rabbigu wuxuu dadka dhexdiisii ku soo daayay abeesooyin qaniinyo kulul oo ay dadkii qanqaniineen, oo dad badan oo reer binu Israa'iil ah ayaa dhintay.
6Tada Viešpats siuntė nuodingas gyvates. Jos gėlė žmones, ir daugelis nuo jų mirė.
7Markaasay dadkii Muuse u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ku hadalnay wax ka gees ah Rabbiga iyo adiga, haddaba Rabbiga noo bari inuu abeesooyinka naga fogeeyo. Markaasaa Muuse dadkii u baryay Rabbiga.
7Jie kreipėsi į Mozę, sakydami: “Nusidėjome, kalbėdami prieš Viešpatį ir tave, melsk, kad pašalintų nuo mūsų gyvates”. Mozė meldėsi už tautą.
8Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Abeeso samee, oo tiircalan kor saar, oo mid kasta oo la qaniinoba, markuu arko wuu noolaanayaa.
8Viešpats sakė Mozei: “Padaryk varinę gyvatę ir iškelk ją ant stulpo; kas įgeltas į ją pažvelgs, liks gyvas”.
9Oo Muuse baa abeeso naxaas ah sameeyey oo wuxuu kor saaray tiirkii calanka, oo haddii abeeso qof qaniinto oo qofku soo eego abeesadii naxaasta ahayd wuu noolaan jiray.
9Mozė padirbdino varinę gyvatę ir iškėlė ją ant stulpo. Į ją pažvelgę, įgeltieji likdavo gyvi.
10Markaasaa reer binu Israa'iil soo guureen, oo waxay degeen Obod.
10Izraelitai keliavo toliau ir sustojo Obote.
11Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim oo cidlada ku dhex taal oo ah Moo'aab horteeda oo xagga qorrax ka soo baxa ah.
11Išėję iš Oboto, ištiesė palapines Ije Abarimo dykumoje, kuri yra Moabo rytų pusėje.
12Oo halkaasna way ka guureen, oo waxay degeen dooxadii Sered,
12Iš ten pasitraukę, atėjo į Zeredo slėnį.
13Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor.
13Jį palikę, sustojo prie Arnono upės, tekančios dykumoje šiapus amoritų sienos. Arnono upė yra Moabo siena ir skiria moabitus nuo amoritų.
14Haddaba kitaabkii dagaalladii Rabbiga waxaa ku qoran, Waaheeb oo Suufaah ku taal, Iyo dooxooyinka Arnoon,
14Todėl Viešpaties kovų knygoje pasakyta: “Kaip padarė Raudonojoje jūroje, taip padarys ir prie Arnono upės,
15Iyo dhaadhaca dooxooyinka Oo u dadban xagga rugta Caar, Oo u dhow soohdinta reer Moo'aab.
15kuri pasisukus pasiekia Aro miestą ir priartėja prie moabitų sienos”.
16Oo halkaasna waxay uga guureen xagga Bi'ir, kaasoo ah ceelkii Rabbigu Muuse kaga yidhi, Dadka oo dhan soo ururi, oo anna biyo waan siinayaa.
16Iš čia izraelitai priartėjo prie šulinio, apie kurį Viešpats kalbėjo Mozei: “Surink tautą, ir Aš duosiu jai vandens”.
17Markaasay reer binu Israa'iil gabaygan ku gabyeen, Ceel yahow, soo durdur. War idinku u gabya
17Tada izraelitai giedojo: “Šuliny, duok vandens! Giedosime tau,
18Ceelkii ay amiirradii qodeen, Oo ay dadkii gobta ahu ku qodeen Ushii dowladnimada iyo ulahoodii. Oo cidladiina waxay uga guureen xagga Mataanaah.
18šuliny, kurį kunigaikščiai ir kilnieji iškasė skeptru ir lazdomis”. Iš tos dykumos jie atėjo į Mataną,
19Oo Mataanaahna waxay uga guureen xagga Naxalii'eel; Naxalii'eelna waxay uga guureen xagga Baamood.
19iš Matanos į Nahalielį, iš Nahalielio į Bamotą
20Oo Baamoodna waxay uga guureen xagga dooxadii ku taal bannaanka Moo'aab, iyo Buur Fisgaah dhaladeeda oo cidlada hoos u soo fiirisa.
20ir iš Bamotoį slėnį Moabo šalyje arti Pisgos kalno, kuris yra ties dykuma.
21Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo waxay ku yidhaahdeen,
21Izraelis nusiuntė pas amoritų karalių Sihoną pasiuntinius su prašymu:
22Na daa aan dalkaaga dhex marnee. Annagu gees ugu leexan mayno berrin ama beercanab, oo ceelashana biyo ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa jeeraannu soohdintaada ka baxno.
22“Leisk mums pereiti per tavo žemę, mes nenukrypsime į dirvas ir vynuogynus, negersime vandens iš tavo šulinių, eisime vieškeliu, kol pereisime per tavo kraštą”.
23Siixonse uma uu oggolaan in reer binu Israa'iil soohdintiisa soo dhex maraan; laakiinse Siixon dadkiisii oo dhan ayuu soo urursaday oo ku soo baxay reer binu Israa'iil oo cidlada jooga, oo wuxuu yimid Yahas, oo uu reer binu Israa'iil la diriray.
23Bet Sihonas neleido izraelitams eiti per savo kraštą. Surinkęs savo kariuomenę, išėjo prieš juos į dykumą ir prie Jahaco kovojo su izraelitais.
24Markaasay reer binu Israa'iil seef ku dileen, oo waxay qabsadeen dalkiisii tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo xataa tan iyo reer Cammoon, waayo, soohdintii reer Cammoon wuu xoog badnaa.
24Izraelitai sumušė jį ir užėmė Sihono kraštą nuo Arnono iki Jaboko upių ir ligi Amono krašto, kurio sienos buvo ginamos stiprios sargybos.
25Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkan oo dhan ayay qabsadeen, oo reer binu Israa'iil waxay degeen magaalooyinkii reer Amor oo dhan, xataa Xeshboon iyo magaalooyinkeedii oo dhan.
25Izraelitai užėmė visus amoritų miestus ir apsigyveno juose, Hešbone ir jam priklausančiuose miesteliuose.
26Waayo, Xeshboon waxay ahayd magaaladii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo la diriray boqorkii hore oo reer Moo'aab, oo dalkiisii oo dhan ka qabsaday, xataa tan iyo Arnoon.
26Hešbonas buvo sostinė amoritų karaliaus Sihono, kuris buvo kovojęs su buvusiu Moabo karaliumi ir užėmęs visą jam priklausančią šalį iki Arnono upės.
27Oo sidaas daraaddeed kuwa maahmaahyo ku hadlaa waxay yidhaahdaan, War Xeshboon kaalaya, Magaaladii Siixon ha la dhiso oo ha la xoojiyo,
27Todėl dainoje sakoma: “Ateikite į Hešboną, karaliaus Sihono miestą, kuris bus atstatytas ir sustiprintas!
28Waayo, dab baa ka soo baxay Xeshboon, Taasoo ah magaaladii Siixon oo olol ka soo baxay. Wuxuu baabbi'iyey Caartii reer Moo'aab, Iyo sayidyadii meelaha sare oo Arnoon.
28Ugnis iš Hešbono sunaikino moabitų miestą Arą ir Arnono aukštumų viešpačius.
29Moo'aabay, waa kuu hoog! Waad baabba'day, dadka reer Khemooshow. Wiilashiisii wuxuu u sii daayay sida laajiyo, Gabdhihiisiina wuxuu maxaabiis ahaan ugu sii daayay Boqorka reer Amor oo Siixon ahaa.
29Vargas tau, Moabai! Žuvai, Kemošo tauta! Jis atidavė savo sūnus ir dukteris į nelaisvę amoritų karaliui Sihonui.
30Iyaga waannu toogannay; oo Xeshboon waa baabba'day tan iyo Diibon, Oo annagu waxaannu baabbi'innay tan iyo Nofax, Taasoo gaadha tan iyo Meedebaa.
30Jie sunaikinti nuo Hešbono iki Dibono ir iki Nofacho prie Medebos”.
31Oo sidaasay reer binu Israa'iil u degeen dalkii reer Amor.
31Taip izraelitai apsigyveno amoritų žemėje.
32Markaasaa Muuse diray rag soo basaasa Yacser, oo iyana way qabsadeen magaalooyinkeedii, oo reer Amorkii halkaas degganaana way ka eryeen.
32Mozė išsiuntė išžvalgyti Jazerą, ir izraelitai užėmė jam priklausančius miestelius ir išvijo amoritus.
33Oo intay leexdeen ayay waxay tageen xagga jidka Baashaan loo maro. Markaasaa waxaa ku soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, isagii iyo dadkiisii oo dhanba, inay kula diriraan Edrecii.
33Jie traukė Bašano keliu; ten juos pasitiko Bašano karalius Ogas su visa savo kariuomene prie Edrėjo.
34Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ha ka cabsan, waayo, gacantaadaan geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisa, oo waxaad isaga ku samayn doontaa sidii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.Oo iyana waxay dileen isagii, iyo wiilashiisii, iyo dadkiisii oo dhan ilaa ayan isagii waxba u hadhin, oo dalkiisiina way qabsadeen.
34Viešpats kalbėjo Mozei: “Nebijok jo, nes Aš atidaviau tau jį, visą jo tautą ir žemę; padaryk su juo, kaip padarei su amoritų karaliumi Sihonu Hešbone”.
35Oo iyana waxay dileen isagii, iyo wiilashiisii, iyo dadkiisii oo dhan ilaa ayan isagii waxba u hadhin, oo dalkiisiina way qabsadeen.
35Izraelitai sunaikino jį, jo sūnus ir visą jo tautą taip, kad nė vieno neliko, ir užėmė šalį.