Somali

Lithuanian

Numbers

23

1Oo Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Halkan iiga dhis toddoba meelood oo allabari, oo halkan iigu soo diyaari toddoba dibi iyo toddoba wan.
1Tada Balaamas kalbėjo Balakui: “Pastatydink man čia septynis aukurus ir paruošk man septynis veršius ir septynis avinus”.
2Markaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku hadlay, oo Baalaaq iyo Balcaam meel kasta oo allabariba waxay ku dul bixiyeen dibi iyo wan.
2Balakas padarė, kaip Balaamas sakė. Tada juodu aukojo po veršį ir aviną ant kiekvieno aukuro.
3Kolkaasaa Balcaam Baalaaq ku yidhi, Allabarigaaga la gubo ah istaag, oo anna waan tegayaa, mindhaa Rabbigu waa iga hor iman doonaa, oo wax alla wixii uu i tuso waan kuu sheegi doonaa. Markaasuu meel sare oo bannaan tegey.
3Balaamas tarė Balakui: “Pastovėk prie savo deginamosios aukos, o aš pasitrauksiu ir lauksiu Viešpaties žodžio: aš tau pasakysiu, ką Jis lieps”. Jis nuėjo į nuošalią aukštumą.
4Kolkaasaa Ilaah Balcaam ka hor yimid, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan diyaariyey toddobada meelood oo allabari, oo meel kastaba waxaan ku dul bixiyey dibi iyo wan.
4Ten jį sutiko Dievas. Balaamas Jam kalbėjo: “Pastatydinau septynis aukurus ir aukojau ant jų po veršį ir aviną”.
5Markaasaa Rabbigu eray Balcaam afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo oo sidatan ula hadal.
5Viešpats įdėjo žodį į Balaamo lūpas ir sakė: “Grįžk pas Balaką ir taip kalbėk”.
6Oo isna markaasuu ku noqday, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, isagii iyo amiirradii reer Moo'aab oo dhan.
6Sugrįžęs rado stovintį Balaką prie savo deginamosios aukos su visais Moabo kunigaikščiais.
7Markaasuu hadalkiisii bilaabay oo wuxuu yidhi, Baalaaq oo ah boqorkii reer Moo'aab oo ka yimid xagga buuraha bariga Ayaa iga keenay Araam, oo yidhi, Kaalay oo reer Yacquub ii habaar, Oo kaalay, cadhadaadu reer binu Israa'iil ha ku dhacdo.
7Jis kalbėjo: “Iš Aramo mane atvedė Balakas, moabitų karalius, iš rytų šalies kalnų pašaukė mane: ‘Ateik ir prakeik Jokūbą, linkėk pikta Izraeliui’.
8Bal sidee baan u habaaraa mid aan Ilaah habaarin? Oo sidee baan ugu cadhoodaa mid aan Rabbigu ka cadhaysnayn?
8Kaipgi aš keikčiau, ko Dievas nekeikia? Kaipgi aš pasmerkčiau, ko Viešpats nesmerkia?
9Waayo, dhagaxyada dushooda ayaan ka arkaa, Oo xagga buuraha ayaan uga jeedaa, Oo bal eeg, waa dad gooni u deggan, Iyagana quruumaha kale laguma tirin doono.
9Aš matau juos nuo uolų viršūnių ir į juos žiūriu nuo kalnų. Ta tauta gyvena atskirai ir neprisideda prie kitų tautų.
10Bal yaa qiyaasi kara reer Yacquub oo sida boodhka ah? Amase yaa tirin kara reer binu Israa'iil rubuciis? Anigu aan u dhinto sida kuwa xaqa ahu u dhintaan, Oo ugu dambaystayduna ha ahaato sida tooda oo kale.
10Kas galėtų suskaityti Jokūbo dulkes ir suskaičiuoti ketvirtadalį Izraelio? O, kad galėčiau mirti teisiųjų mirtimi! O, kad mirčiau ramybėje kaip jie!”
11Kolkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War waa maxay waxa aad igu samaysay? Waxaan ku soo watay inaad cadaawayaashayda habaartid, laakiinse bal eeg, waad u wada ducaysay.
11Balakas sakė Balaamui: “Ką tu man padarei? Aš tave pasišaukiau, kad prakeiktum mano priešus, o tu juos palaiminai”.
12Kolkaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sow waajib iguma aha inaan isjiro si aan ugu hadlo wixii Rabbigu afkayga geliyo?
12Tas jam atsakė: “Argi aš neturiu kalbėti to, ką Viešpats įdeda į mano lūpas?”
13Markaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Kaalay, oo meel kale ii raac inaad halkaas iyaga ka aragtid. Waxaad arki doontaa darafkooda, oo kulligood ma arki doontid; haddaba halkaas iiga habaar.
13Balakas sakė jam: “Eikš su manimi į kitą vietą, kur matysi izraelitų dalį, bet visų negalėsi matyti; iš ten juos prakeiksi”.
14Markaasuu isagii geeyey berrinkii Sofiim xagga Buur Fisgaah dhaladeeda, oo halkaasuu ka dhisay toddoba meelood oo allabari, oo meel kasta wuxuu ku dul bixiyey dibi iyo wan.
14Kai jį nuvedė ant Pisgos kalno viršūnės, jis ten pastatydino septynis aukurus ir ant kiekvieno aukojo po veršį ir aviną.
15Oo markaasuu Baalaaq ku yidhi, Halkan allabarigaaga la gubo ag istaag intaan Rabbiga xaggaas shishe kaga hor tegayo.
15Tada Balaamas tarė Balakui: “Stovėk čia prie deginamosios aukos, o aš eisiu pasitikti Viešpaties”.
16Markaasaa Rabbigu ka hor yimid Balcaam, oo eray buu afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo, oo sidatan ula hadal.
16Viešpats sutiko Balaamą ir įdėjo žodį į jo lūpas, sakydamas: “Eik vėl pas Balaką ir pasakyk tai”.
17Markaasuu isagii u yimid, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, oo waxaa isaga la jiray amiirradii reer Moo'aab. Kolkaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, War Rabbigu muxuu ku hadlay?
17Sugrįžęs jis rado Balaką stovintį prie savo deginamosios aukos kartu su Moabo kunigaikščiais. Balakas klausė jo: “Ką tau kalbėjo Viešpats?”
18Markaasuu hadalkiisii sii watay, oo wuxuu yidhi, Baalaaq, kac oo maqal, Bal aniga i dhegayso, ina Sifoorow.
18Balaamas atsakė: “Balakai, klausykis ir išgirsk, Ciporo sūnau!
19Ilaah ma aha nin been sheego; Mana aha binu-aadmi qoomameeyo. Ma wuxuu yidhi buusan samaynayn? Ama ma wuxuu ku hadlay buusan yeelayn?
19Dievas ne žmogus, kad meluotų, ir ne žmogaus sūnus, kad pakeistų savo nuomonę. Ar Jis pasakė ir nepadarys? Ar Jis kalbėjo ir neįvykdys?
20Bal eeg, waxaa laygu amray inaan u duceeyo. Isagaa barakeeyey, anna barakadaas ma aan beddeli karo.
20Man įsakyta laiminti; Jis palaimino, ir aš negaliu to pakeisti.
21Isagu reer Yacquub dembi kuma uu arag, Oo reer binu Israa'iil qalloocsanaan ugama uu jeedin. Rabbiga Ilaahood ah ayaa iyaga la jira, Oo waxaa dhexdooda ka yeedhaysa boqor qayladiis.
21Jis nerado nedorybės Jokūbe ir neįžiūrėjo neteisybės Izraelyje. Viešpats, jų Dievas, yra su jais, ir karaliaus šauksmas girdimas tarp jų.
22Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,
22Dievas juos išvedė iš Egipto, jų galybė kaip stumbro.
23Hubaal sixir reer Yacquub kuma dhaco, Oo reer binu Israa'iil innaba fal ma qabto, Haddaba Yacquub iyo Israa'iil waxaa laga sheegi doonaa, Bal fiiri waxa Ilaah sameeyey!
23Nėra užkeikimo prieš Jokūbą nei ištarmės prieš Izraelį; ateis laikas, kai apie Izraelį sakys: ‘Štai ką padarė Dievas’.
24Bal eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale, Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa: Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno, Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.
24Tai tauta, kuri pakils kaip liūtė ir atsistos kaip liūtas, neatsiguls, kol nesurys grobio ir neišgers užmuštųjų kraujo”.
25Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War iyaga hana habaarin, hana u ducayn innaba.
25Balakas tarė Balaamui: “Tu jų neprakeik, bet ir nelaimink”.
26Laakiinse Balcaam ayaa jawaabay oo wuxuu Baalaaq ku yidhi, Sow kuuma sheegin oo kuguma odhan, Wixii Rabbigu ku hadlo oo dhan waa inaan sameeyaa?
26Balaamas atsakė Balakui: “Argi aš tau nesakiau, kad ką man Viešpats lieps, tą turėsiu daryti!”
27Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Haddaba kaalay, meel kalaan ku geeynayaaye, mindhaa Ilaah waa ku farxi doonaa inaad iyaga halkaas iiga habaartid.
27Ir Balakas tarė Balaamui: “Eime, nuvesiu tave į kitą vietą, gal patiks Dievui, kad iš ten juos prakeiktum”.
28Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam geeyey Buur Fecoor dhaladeeda taasoo lamadegaanka hoos u soo fiirisa.
28Balakas užvedė Balaamą į Peoro kalno viršūnę, kuris yra prie dykumos.
29Oo Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Halkan iiga dhis toddoba meelood oo allabari, oo halkan iigu soo diyaari toddoba dibi iyo toddoba wan.Markaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku yidhi, oo meel kasta oo allabariba wuxuu ku dul bixiyey dibi iyo wan.
29Čia Balaamas sakė Balakui: “Pastatydink man čia septynis aukurus ir paruošk tiek pat veršių ir avinų aukai”.
30Markaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku yidhi, oo meel kasta oo allabariba wuxuu ku dul bixiyey dibi iyo wan.
30Balakas padarė, kaip Balaamas įsakė. Jie aukojo po veršį ir po aviną ant kiekvieno aukuro.