1Oo Balcaamna markuu arkay in Rabbigu ku farxay inuu reer binu Israa'iil barakeeyo, ma uu tegin sidii mararkii kale inuu sixir doondoono, laakiinse wuxuu wejigiisii u jeediyey xagga cidlada.
1Balaamas, matydamas, kad Viešpačiui patinka laiminti Izraelį, nebėjo, kaip pirma eidavo ieškoti žyniavimo, bet atgręžė veidą į dykumą
2Markaasaa Balcaam indhaha kor u qaaday, oo wuxuu arkay reer binu Israa'iil oo qabiil qabiil u deggan, kolkaasaa waxaa isagii ku soo degay ruuxii Ilaah.
2ir, pakėlęs akis, pamatė izraelitus, stovyklaujančius giminėmis savo palapinėse. Dievo dvasia nužengė ant jo,
3Markaasuu hadalkiisii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
3ir jis kalbėjo: “Kalba žmogus, Beoro sūnus Balaamas, kurio atvertos akys,
4Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca isagoo indhihiisu furan yihiin,
4kuris girdi Dievo žodžius, mato Visagalio regėjimus ir krinta atvertomis akimis.
5Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow, Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!
5Kokios gražios tavo palapinės, Jokūbai, ir tavo buveinės, Izraeli!
6Waxay u fidsan yihiin sidii dooxooyin, Iyo sidii beero webiga barbarkiisa ku yaal, Iyo sidii geedo dacar ah oo Rabbigu beeray, Iyo sidii geedo kedar ah oo biyo ku ag yaal.
6Jos yra kaip besitęsią slėniai, kaip sodai paupiuose, kaip Viešpaties sodinti alavijų medžiai, lyg kedrai prie vandens!
7Baaldiyadooda waxaa ka daadan doona biyo, Oo farcankoodu wuxuu ku jiri doonaa biyo badan, Oo boqorkooduna wuu ka sarrayn doonaa Agag, Oo boqortooyadoodana waa la sarraysiin doonaa.
7Vanduo tekės upėmis, ir jų slėniuose viskas augs. Izraelitų karalius bus žymesnis už Agagą, jo karalystė bus išaukštinta.
8Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Oo iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale, Oo waxay cuni doonaan quruumaha cadaawayaashooda ah, Oo lafahooda way jejebin doonaan, Oo waxay iyaga ka mudhbixin doonaan fallaadhahooda.
8Dievas išvedė jį iš Egipto, jo galybė kaip stumbro; jis suvalgys priešų tautas, sulaužys jų kaulus, pervers juos savo strėlėmis.
9Iyagu hoos bay isu gaabiyeen, oo sida aar bay u jiifsadeen, Iyo sida gool libaax; haddaba bal yaa kicin doona? Duco ha ku dhacdo ku alla kii idiin duceeya, Oo habaarna ha ku dhaco ku alla kii idin habaara.
9Jis atsiguls kaip liūtas, kurio niekas nedrįs pažadinti. Kas tave laimina, bus palaimintas; kas keikia, bus prakeiktas”.
10Markaasaa Baalaaq aad ugu cadhooday Balcaam, oo gacmihiisuu isku dhuftay. Oo Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Waxaan kuugu yeedhay inaad cadaawayaashayda ii habaartid, oo bal eeg, saddexdan jeer baad u wada ducaysay.
10Balakas, supykęs ant Balaamo, suplojo rankomis ir tarė: “Aš tave pasišaukiau prakeikti mano priešus, o tu juos tris kartus palaiminai.
11Haddaba meeshaadii ku carar. Anigu waxaan damacsanaa inaan derejo weyn ku siiyo, laakiinse Rabbigu dib buu kaaga celiyey derejadii.
11Grįžk skubiai į savo kraštą! Maniau tave didžiai pagerbti, bet Viešpats atėmė iš tavęs tau skirtą pagarbą”.
12Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, War kuwii farriin kaa waday miyaanan u sheegin oo aanan ku odhan,
12Balaamas atsakė Balakui: “Argi aš nesakiau tavo pasiuntiniams, kuriuos atsiuntei pas mane:
13Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga inaan maankayga ka sameeyo xumaan iyo samaan toona. Wixii Rabbigu ku hadlo, kaas uun baan ku hadli doonaa.
13‘Jei Balakas man duotų pilnus savo namus sidabro ir aukso, aš negaliu peržengti Viešpaties įsakymo ir daryti gera ar bloga savo noru. Kalbėsiu tai, ką Viešpats man įsakys’.
14Haddaba waxaan u tegayaa dadkaygii, oo bal kaalay aan kuu sheego waxay dadkanu dadkaaga ku samayn doonaan maalmaha ugu dambaysta.
14Prieš grįždamas pas savo tautą, paskelbsiu tau, ką ši tauta padarys tavo tautai ateityje”.
15Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
15Balaamas toliau kalbėjo: “Kalba žmogus, Beoro sūnus Balaamas, kurio akys atvertos,
16Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla, Oo yaqaan aqoonta Kan ugu sarreeya, Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca, isagoo indhihiisu furan yihiin,
16kuris girdi Dievo žodžius, pažįsta Aukščiausiojo mokslą, mato Visagalio regėjimus ir krinta atvertomis akimis.
17Isagaan arkaa, haddase ma aha, Waan u jeedaa, mase dhowa, Reer Yacquub xiddig baa ka soo bixi doonta, Reer binu Israa'iil waxaa ka soo kici doonta ul boqortooyo, Oo waxay burburin doontaa rukummada Moo'aab, Oo waxay baabbi'in doontaa dadka Sheed oo dhan.
17Aš jį matysiu, bet ne dabar, į jį žiūrėsiu, bet ne iš arti. Žvaigždė užtekės iš Jokūbo giminės, skeptras pakils Izraelyje, jis užims Moabą ir sunaikins Seto giminę.
18Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.
18Edomas ir Seyras taps priešų nuosavybe, Izraelis parodys savo jėgą.
19Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.
19Jokūbo ainiai viešpataus ir sunaikins priešų likučius”.
20Markaasuu Camaaleq eegay, oo hadalkiisii sii watay oo yidhi, Camaaleq wuxuu ahaa kan quruumaha ugu horreeya, Laakiinse ugudambaysta wuu halligmi doonaa.
20Balaamas, pažiūrėjęs į amalekiečius, kalbėjo: “Amalekas yra pirmas tarp tautų, bet jis bus sunaikintas amžiams”.
21Oo haddana wuxuu eegay reer Qeyn, markaasuu hadalkiisii sii watay oo yidhi, Meeshaad deggan tihiin waa adag tahay, Oo buulkiinnana dhagaxaa laga dhisay.
21Pamatęs kainitus, tarė: “Stipri, saugi tavo buveinė, kaip ant uolos sukrautas lizdas.
22Habase yeeshee waa laydin baabbi'in doonaa, reer Qeynow, Jeer ay reer Ashuur maxaabiis ahaan idiin kaxaystaan.
22Bet ir jūs, kainitai, būsite išsklaidyti, jūsų palikuonis Ašūras ištrems.
23Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Hoogay, ee bal yaa sii noolaan doona markii Ilaah waxan sameeyo?
23Ir kas išliks gyvas, kai Dievas visa tai darys?
24Laakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim, Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber, Oo isna wuu halligmi doonaa.Markaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.
24Laivai atvyks iš Kitimo, pavergs ašūriečius ir sunaikins Ebero kraštą, pagaliau patys žus”.
25Markaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.
25Po to Balaamas sugrįžo į savo tėviškę; taip pat ir Balakas grįžo tuo keliu, kuriuo buvo atėjęs.