1Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.
1Machla, Noja, Hogla, Milka ir Tirca, dukterys Celofhado, sūnaus Hefero, sūnaus Gileado, sūnaus Machyro, sūnaus Manaso, sūnaus Juozapo, atėjo
2Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen,
2prie Susitikimo palapinės įėjimo, kur stovėjo Mozė, kunigas Eleazaras ir visi tautos kunigaikščiai, ir tarė:
3Aabbahayo wuxuu ku dhintay cidladii, laakiinse isagu kuma uu jirin kooxdii is-urursatay oo Rabbiga geesta ka ahayd, oo kooxdii Qorax ahayd, illowse isagu wuxuu u dhintay dembi uu isagu lahaa, oo isagu wiilalna ma uu lahayn.
3“Mūsų tėvas mirė dykumoje. Jis nedalyvavo maište, kuris buvo Koracho sukeltas prieš Viešpatį, bet mirė už savo nusikaltimus. Jis neturėjo sūnų.
4In kastoo uusan wiilal lahayn magicii aabbahayo maxaa qabiilkiisa looga dhex baabbi'inayaa? Haddaba aabbahayo walaalihiis dhul dhaxal ah nagu dhex sii.
4Kodėl jo vardas turėtų išnykti iš jo šeimos? Ar dėl to, kad jis neturėjo sūnaus? Duokite mums paveldėjimą tarp mūsų tėvo brolių”.
5Markaasaa Muuse arrintoodii keenay Rabbiga hortiisa.
5Mozė kreipėsi tuo reikalu į Viešpatį.
6Oo Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
6Viešpats atsakė Mozei:
7Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa.
7“Celofhado dukterys kalba teisingai. Duok joms paveldėjimą tarp jų tėvo brolių, tepaveldi jos jo nuosavybę.
8Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa, oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Haddii nin dhinto oo uusan wiil lahayn, markaas waa inaad gabadhiisa dhaxalsiisaan.
8Izraelio sūnums įsakyk: ‘Jei kas miršta nepalikdamas sūnaus, jo nuosavybę tepaveldi jo duktė.
9Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.
9Jei neturės dukters, įpėdiniais bus mirusiojo broliai.
10Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan.
10O jei nebus nė brolių, jo nuosavybę paveldės jo tėvo broliai.
11Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.
11Jeigu neturės nė tėvo brolių, paveldas atiteks tiems, kurie yra jo artimiausi giminės’ ”. Tai amžinas įstatymas izraelitams, Viešpaties duotas Mozei.
12Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Buurtan Cabaariim soo fuul, oo bal fiiri dalka aan reer binu Israa'iil siiyey.
12Viešpats kalbėjo Mozei: “Užlipk į Abarimo kalną ir iš ten pažiūrėk į kraštą, kurį duosiu izraelitams.
13Oo markaad aragtid dabadeed dadkaagii dhintay waad ku darman doontaa, sidii walaalkaa Haaruunba ugu darmaday,
13Jį pamatęs, tu susijungsi su savo tauta, kaip susijungė tavo brolis Aaronas,
14maxaa yeelay, eraygayga baad kaga caasideen cidladii Sin markay dadka shirku dirireen ee aad aniga quduus igaga dhigi weydeen biyaha agtooda, iyagoo u jeeda. (Kuwaasu waa biyihii Meriibaah oo ku yaal Qaadeesh oo ah cidlada Sin.)
14nes judu nepaklausėte manęs Cino dykumoje tautos prieštaravimo metu, kad būtų parodytas mano šventumas jų akivaizdoje prie Meribos vandenų šaltinio, Cino dykumoje Kadeše”.
15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
15Mozė atsakė Viešpačiui:
16Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada binu-aadmiga oo dhan, ha doorto nin u taliya shirka,
16“Viešpatie, visų gyvųjų Dieve, paskirk žmogų šitai tautai vadovauti,
17oo hortooda dibadda ugu baxa, oo hortooda gudaha soo gala, oo iyaga dibadda u hoggaamiya, oo gudaha soo geliya inaan shirka Rabbigu ahaan sidii ido aan idojir lahayn.
17kuris eitų su jais, juos išvestų ir įvestų, kad Viešpaties susirinkimas nebūtų kaip avys be piemens”.
18Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad soo waddaa Yashuuca ina Nuun oo ah nin Ruuxu ku jiro, oo gacanta dul saar isaga.
18Viešpats atsakė Mozei: “Imk Nūno sūnų Jozuę, kuriame yra mano dvasia, ir ant jo uždėk savo ranką.
19Oo waxaad isaga soo hor taagtaa wadaadka Elecaasaar ah iyo shirka oo dhan, oo hortooda amar ku sii.
19Jis teatsistoja kunigo Eleazaro ir visos tautos akivaizdoje, o tu duok jam paliepimus
20Oo waxaad isaga dul saartaa sharaftaadii, si shirka reer binu Israa'iil oo dhammu ay isaga u addeecaan.
20ir suteik jam savo garbės, kad jo klausytų visi izraelitai.
21Oo isagu waa inuu is-hor taagaa wadaadka Elecaasaar ah oo isaga wax ugu weyddiin doona xukunka Uuriimka Rabbiga hortiisa. Iyagu eraygiisay dibadda ugu bixi doonaan, oo eraygiisay gudaha ku soo geli doonaan, isaga iyo reer binu Israa'iilka isaga la jiraaba, kuwaas oo ah shirka oo dhan.
21Tuo atveju, kai reikės pagalbos, tegul kunigas Eleazaras kreipiasi į Viešpatį patarimo. Tuo būdu Jozuė galės vadovauti izraelitams”.
22Markaasaa Muuse yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu soo waday Yashuuca, kolkaasuu soo hor taagay wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii oo dhan.Oo gacmuhuu dul saaray, oo amar buu siiyey, sidii Rabbigu Muuse kula hadlay.
22Mozė padarė, kaip Viešpats buvo įsakęs: pastatė Jozuę kunigo Eleazaro ir visos tautos akivaizdoje,
23Oo gacmuhuu dul saaray, oo amar buu siiyey, sidii Rabbigu Muuse kula hadlay.
23uždėjo jam ant galvos rankas ir suteikė jam valdžią, kaip Viešpats liepė.