1Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
1Viešpats kalbėjo Mozei:
2Reer binu Israa'iil amar, oo waxaad ku tidhaahdaa, Qurbaankayga oo ah cuntada qurbaannada dabka la iigu sameeyo oo carafta udgoon ii ah waa inaad dhawrtaan inaad wakhtigoodii bixisaan.
2“Įsakyk izraelitams skirtu laiku aukoti duonos ir deginamąsias aukas kaip malonų kvapą.
3Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kanu waa qurbaanka dabka lagu sameeyo oo aad Rabbiga u bixisaan laba wan oo gu jir ah oo aan iin lahayn oo aad maalin kasta qurbaan la gubo oo joogto ah u bixisaan.
3Šitos aukos bus: kasdien du sveiki metiniai avinėliai nuolatinei deginamajai aukai;
4Waa inaad wan bixisaa aroortii, wanka kalena makhribkii.
4vieną aukosite rytą, o antrąvakare;
5Oo waxaad la bixisaa oo qurbaan hadhuudh ka dhigtaa eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo lagu daray hiin rubuceed oo ah saliid saafi ah.
5ir duonos aukai dešimtą efos dalį smulkių miltų, sumaišytų su ketvirtadaliu hino tyriausio aliejaus.
6Kaasu waa qurbaan la gubo oo joogto ah oo Buur Siinay laga amray inuu ahaado qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga oo caraf udgoon u ah.
6Tai bus nuolatinė deginamoji auka, kaip buvo įsakyta Sinajaus kalne, malonus kvapas Viešpačiui.
7Oo wan qurbaankiisa cabniinku waa inuu ahaadaa hiin rubuceed, oo meesha quduuska ah waa inaad Rabbiga ugu shubtaa qurbaan cabniin oo ah khamri culus.
7Ir geriamoji auka bus ketvirtadalis hino vyno; šventykloje išliesite Viešpačiui vyną kaip geriamąją auką.
8Oo wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo qurbaankiisii hadhuudhka iyo qurbaankiisii cabniinka waa inaad isaga la bixisaa sida kii aroortii oo kale, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.
8Antrąjį avinėlį aukosite vakare, kaip ir rytmetinę auką, su duonos ir geriamąja auka, kad būtų malonus kvapas.
9Oo maalinta sabtidana waxaad bixisaa laba wan oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn, iyo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood ee qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray iyo qurbaankiisii cabniinka.
9Sabato dieną aukosite du sveikus metinius avinėlius, o duonos aukai dvi dešimtąsias efos smulkių miltų, sumaišytų su aliejumi, taip pat ir geriamąją auką.
10Kaasu waa qurbaanka la gubo oo sabtida, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinku ku jirin.
10Tai bus nuolatinė sabato deginamoji auka, priedas prie kasdieninių deginamųjų ir geriamųjų aukų.
11Oo bilowga bilihiinnana waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,
11Kiekvieno mėnesio pradžioje privalote aukoti deginamąją auką Viešpačiui: du sveikus veršius, vieną aviną ir septynis metinius avinėlius.
12oo eefaah bur ah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan dibi kasta, oo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan wanka weyn.
12Duonos aukai: prie kiekvieno veršio tris dešimtąsias efos smulkių miltų, sumaišytų su aliejumi; prie kiekvieno avino dvi dešimtąsias efos smulkių miltų, sumaišytų su aliejumi,
13Oo wan kasta oo yarna waxaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo saliid lagu daray, kaasoo wada ah qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah oo Rabbiga dab loogu sameeyo.
13ir dešimtą dalį smulkių miltų, sumaišytų su aliejumi, duonos aukai prie kiekvieno avinėlio. Tai bus malonaus kvapo deginamoji auka Viešpačiui.
14Oo qurbaannadooda cabniinkuna waa inay ahaadaan hiin nuskeed khamri ah dibigiiba, iyo hiin saddex daloolkeed oo wanka weyn la socdaa, iyo hiin rubuceed oo wanka yar la socdaa. Intaasu waa qurbaanka la gubo oo ay tahay inaad bixisaan bil kasta bilaha sannaddii oo dhan.
14Geriamosios vyno aukos prie kiekvienos deginamosios aukos bus: pusė hino prie kiekvieno veršio, trečdalis prie avino, ketvirtadalisprie kiekvieno avinėlio. Tai kiekvieno mėnesio geriamoji auka.
15Oo waa inaad orgi Rabbiga ugu bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinku ku jirin.
15Taip pat aukosite Viešpačiui ožį aukai už nuodėmę, neskaičiuojant nuolatinių deginamųjų ir geriamųjų aukų.
16Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaadna waa wakhtiga Kormaridda Rabbiga.
16Pirmo mėnesio keturioliktą dieną yra Viešpaties Pascha,
17Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.
17o penkioliktą dienąiškilmės. Neraugintą duoną valgysite septynias dienas.
18Oo maalinta kowaadna waa in la yeesho shir quduus ah. Idinku waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,
18Pirmoji diena yra izraelitams šventa dienatą dieną nedirbsite jokio darbo,
19laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.
19aukosite deginamajai aukai du sveikus veršius, vieną aviną, septynis metinius avinėlius
20Oo qurbaankooda hadhuudhkuna wuxuu ahaan doonaa bur saliid lagu daray. Burka toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood waa inaad dibiba la bixisaan, labadiis meeloodna wanka weyn,
20ir duonos aukai smulkių miltų, sumaišytų su aliejumi, tris dešimtąsias efos prie veršio, dvi dešimtąsias efos prie avino
21iyo meeshiisna toddobada wan oo yaryar midkood kasta.
21ir vieną dešimtąją efos prie kiekvieno avinėlio,
22Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan si laydiinku kafaaro gudo.
22taip pat vieną ožį aukai už nuodėmę, kad būtumėte sutaikinti,
23Kuwaas waa inaad bixisaan iyadoo uusan ku jirin qurbaanka la gubo oo subaxnimada, kaasoo ah qurbaan la gubo oo joogto ah.
23neskaičiuojant rytmetinės deginamosios aukos, kuri nuolat aukojama.
24Sidan waa inaad maalin kasta intii toddoba maalmood ah u bixisaan cuntada ah qurbaanka dabka lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. Taas waa in la bixiyaa iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
24Taip darykite septynias dienas, kad būtų malonus kvapas Viešpačiui.
25Oo maalinta toddobaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.
25Septintoji diena bus jums šventa: tą dieną nedirbkite jokio darbo.
26Oo weliba maalinta midhaha hore la goosto, markaad qurbaan hadhuudh oo cusub Rabbiga ugu bixisaan iidda toddobaadyada waa inaad shir quduus ah yeelataan; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.
26Pirmųjų vaisių šventės dieną aukosite Viešpačiui naujo derliaus aukas. Ta diena bus šventa ir iškilminga, tada nedirbsite jokio darbo.
27Laakiinse waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah,
27Deginamajai aukai aukosite du veršius, vieną aviną bei septynis metinius avinėlius;
28oo waxaad la bixisaan qurbaankooda hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood dibigii kasta saddex meelood la bixi, oo wankana laba meelood la bixi,
28duonos aukaisu aliejumi sumaišytų smulkių miltų tris dešimtąsias efos prie kiekvieno veršio, dviprie avino
29oo toddobada wan oo yaryarna midkood kasta meel la bixi.
29ir dešimtą dalįprie kiekvieno avinėlio;
30Oo waa inaad bixisaan orgi laydiinku kafaaro gudo.Oo iyaga iyo qurbaannadooda cabniinka waa inaad bixisaan iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ahu ku jirin (oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn).
30taip pat ožį, kuris aukojamas sutaikinimui.
31Oo iyaga iyo qurbaannadooda cabniinka waa inaad bixisaan iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ahu ku jirin (oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn).
31Šias aukas aukosite neskaitant nuolatinių deginamųjų aukų ir kartu su jomis aukojamų duonos ir geriamųjų aukų”.