Somali

Lithuanian

Proverbs

2

1Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,
1Mano sūnau, jei priimsi mano žodžius ir paslėpsi širdyje mano įsakymus,
2Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
2jei tavo ausis atidžiai klausysis išminties ir širdis sieks supratimo,
3Haddaad waxkalagarashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;
3jei šauksiesi pažinimo ir pakelsi balsą, prašydamas supratimo,
4Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,
4jei sieksi jo lyg sidabro ir ieškosi lyg paslėptų lobių,
5Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.
5tada tu suprasi Viešpaties baimę ir rasi Dievo pažinimą.
6Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
6Nes Viešpats teikia išmintį, iš Jo burnos ateina pažinimas ir supratimas.
7Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.
7Jis laiko sveiką išmintį teisiesiems, Jis yra skydas doru keliu einantiems.
8Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta, Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.
8Jis saugo teisingumo takus ir sergi šventųjų kelius.
9Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
9Tada tu suprasi teisumą, teisingumą ir bešališkumą bei kiekvieną gerą taką,
10Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
10kai išmintis įeis į tavo širdį ir pažinimas bus malonus tavo sielai.
11Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
11Dėmesingumas sergės tave ir supratimas saugos tave,
12Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,
12kad išgelbėtų nuo pikto kelio, nuo melą kalbančių žmonių,
13Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga, Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,
13kurie palieka doros kelią, kad vaikščiotų tamsos keliais,
14Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;
14kurie džiaugiasi, darydami pikta, ir gėrisi nedorėlių iškrypimu,
15Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,
15kurių keliai kreivi ir kurie klaidžioja savo takais;
16In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,
16kad išgelbėtų tave nuo svetimos moters, meilikaujančios savo žodžiais,
17Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;
17kuri palieka savo jaunystės vadovą ir užmiršta savo Dievo sandorą.
18Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.
18Jos namai veda į mirtį, jos takai­pas mirusiuosius.
19Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.
19Visi, kurie įeina pas ją, nebegrįžta ir neberanda gyvenimo tako.
20Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.
20Kad tu vaikščiotum geru keliu ir laikytumeisi teisiųjų tako.
21Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan, Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan.Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka, Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.
21Nes teisieji gyvens krašte ir nekaltieji pasiliks jame.
22Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka, Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.
22Bet nedorėliai bus pašalinti iš krašto, nusikaltėliai išrauti iš jo.