Somali

Lithuanian

Psalms

132

1Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
1Viešpatie, atsimink Dovydą ir visą jo vargą.
2Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
2Jis priesaiką Viešpačiui davė ir įžadą Jokūbo Galingajam:
3Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,
3“Aš neįžengsiu savo pastogėn, lovon negulsiu ilsėtis,
4Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,
4akims miegoti neleisiu, vokams užsimerkti,
5Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
5kol nesurasiu Viešpačiui vietos, buveinės Jokūbo Galingajam!”
6Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
6Štai mes išgirdome ją esant Efratoje, suradome Jaaro laukuose.
7Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
7Įeikime į Jo palapines, parpulkime prie Jo kojų pakojo!
8Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
8Viešpatie, pakilk į savo poilsio vietą, Tu ir Tavo stiprybės skrynia.
9Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
9Kunigai tegul apsivelka teisumu, o šventieji tešaukia iš džiaugsmo!
10Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
10Dėl savo tarno Dovydo, nenugręžk savo veido nuo savo pateptojo.
11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
11Dovydui Viešpats tiesoje yra prisiekęs, neatšaukiamą priesaiką davęs: “Tavo palikuonį pasodinsiu į tavąjį sostą!
12Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
12Jei sūnūs tavieji mano sandoros ir mano pamokymų laikysis, jų palikuonys taip pat per amžius sėdės tavo soste”.
13Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
13Viešpats pasirinko Siono kalną, čia Jis panoro gyventi.
14Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
14“Šita yra mano poilsio vieta per amžius. Čia gyvensiu, nes Aš taip panorėjau!
15Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
15Aš jo maistą palaiminsiu, pasotinsiu vargšus duona.
16Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
16Jo kunigus išgelbėjimo rūbu apvilksiu, šventieji šauks iš džiaugsmo.
17Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo, Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
17Čia išauginsiu Dovydui ragą, žibintą savo pateptajam paruošiu.
18Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
18Jo visus priešus sugėdinsiu, o ant jo galvos karūna spindės”.