Somali

Lithuanian

Psalms

143

1Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.
1Viešpatie, išgirsk mano maldą, išklausyk mano maldavimą. Būdamas teisus ir ištikimas, atsakyk man.
2Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin, Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.
2Nepatrauk į teismą savo tarno, nes Tavo akivaizdoje nė vienas žmogus negalės pasiteisinti.
3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.
3Persekioja mane priešas, sutrypė į žemę mano gyvybę, kaip negyvėlį tamsoje gyventi verčia.
4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.
4Mano dvasia nusilpo, sustingo širdis man krūtinėje.
5Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore, Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa, Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.
5Aš prisimenu praėjusias dienas, mąstau apie Tavo darbus, svarstau apie Tavo rankų darbus.
6Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)
6Tiesiu rankas į Tave, mano siela trokšta Tavęs tartum išdžiūvusi žemė vandens.
7Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.
7Skubiai išklausyk mane, Viešpatie, nes silpsta mano dvasia. Neslėpk nuo manęs savo veido, kad nebūčiau kaip tie, kurie žengia į duobę.
8Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, Ii garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.
8Tavo malonę leisk man patirti nuo pat ryto, nes Tavimi aš pasitikiu. Parodyk man kelią, kuriuo eiti, nes į Tave keliu savo sielą.
9Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.
9Išvaduok mane, Viešpatie, iš mano priešų, nes pas Tave bėgu slėptis.
10I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga, Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.
10Mokyk mane vykdyti Tavo valią, nes Tu esi mano Dievas. Tavo geroji dvasia tegul veda mane tiesiu keliu.
11Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.Oo raxmaddaada cadaawayaashayda ku wada tirtir, Kuwa naftayda dhiba oo dhanna baabbi'i, Waayo, waxaan ahay addoonkaaga.
11Dėl savo vardo, Viešpatie, atgaivink mane. Dėl savo teisumo iš visų bėdų išvesk mano sielą.
12Oo raxmaddaada cadaawayaashayda ku wada tirtir, Kuwa naftayda dhiba oo dhanna baabbi'i, Waayo, waxaan ahay addoonkaaga.
12Dėl savo gailestingumo nutildyk mano priešus, sunaikink mano sielos prispaudėjus, nes aš esu Tavo tarnas.