1Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen, Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen.
1Tepakyla Dievas, tebūna išsklaidyti Jo priešai, tebėga nuo Jo, kurie Jo nekenčia.
2Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi, Sida shamacu dabka ugu dhalaalo, Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een.
2Kaip dūmai išsklaidomi, kaip vaškas nuo ugnies sutirpsta, taip tepradingsta nedorėliai Dievo akivaizdoje.
3Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen, Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.
3Teisieji tegu linksminasi ir džiūgauja prieš Dievą, tedžiūgauja neapsakomai.
4Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya, Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala, Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
4Giedokite Dievui! Girkite Jo vardą! Taisykite kelią Tam, kuris važinėja virš debesų! Jo vardas yra Viešpats. Džiūgaukite Jo akivaizdoje!
5Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda.
5Našlaičių tėvas ir našlių globėjas savo šventoje buveinėje yra Dievas.
6Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa, Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa, Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
6Dievas parūpina benamiams namus, išveda belaisvius į laisvę. Tik maištininkai lieka gyventi išdžiūvusioje žemėje.
7Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday, Markaad lamadegaanka ku dhex socotay, (Selaah)
7Dieve, kai Tu ėjai savo tautos priekyje, kai žygiavai per dykumą,
8Dhulku waa gariiray, Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa, Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.
8žemė drebėjo, Dievo akivaizdoje dangūs lašėjo. Sinajus drebėjo prieš Dievą, Izraelio Dievą.
9Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan, Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.
9Dieve, siuntei gausų lietų ant savųjų, juo gaivinai suvargusius.
10Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa, Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta.
10Tavoji tauta tenai įsikūrė, Dieve, Tu buvai jiems geras ir viskuo aprūpinai.
11Sayidku wuxuu bixiyey erayga, Kuwa warka faafiyaana waa guuto weyn.
11Kai Viešpats tarė žodį, didelis būrys skelbėjų pasipylė,
12Boqorrada ciidammadu way cararaan, way cararaan, Oo tan guriga ku hadha ayaa dhaca qaybisa.
12karaliai ir kariuomenė skubėdami pabėgo, o šeimininkė padalino grobį.
13Xeryaha idaha miyaad iska dhex jiifaysaan, Sidii baadad qoolley oo lacag lagu dahaadhay, Iyo baalasheeda oo dahab cas lagu dahaadhay?
13Nors gulėjote garduose, buvote lyg balandžio sparnai, padengti sidabru, ir geltonu auksujo plunksnos.
14Markii Qaadirku boqorrada halkaas ku kala dhex firdhiyey, Waxay ahayd sida marka baraf cad ku da'o Salmoon.
14Kai Visagalis išsklaidė karalius, žemė atrodė balta lyg sniegas Calmone.
15Buur Ilaah waxaa ah Buur Baashaan. Oo buur dheer waxaa ah Buur Baashaan.
15Dievo kalnaskalnas Bašane, aukštas kalnaskalnas Bašane.
16Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.
16Ko šnairuojate, aukštosios kalnų viršūnės, į kalną, kur Dievas panoro gyventi? Taip, Viešpats gyvens jame per amžius!
17Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun, Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah.
17Dievo vežimų tūkstančių tūkstančiai, Viešpats tarp jų ant Sinajaus, savo šventykloje.
18Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray. Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa, Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
18Tu užžengei aukštyn, nusivedei paimtus belaisvius, ėmei dovanų iš žmonių, net iš maištaujančių, kad Viešpats Dievas gyventų tarp jų.
19Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada, Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah)
19Tebūna šlovinamas Viešpats kasdien! Jis naštas mūsų neša, Jis mūsų išgelbėjimo Dievas.
20Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta, Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda.
20Mūsų Dievasmus gelbėjantis Dievas. Viešpats Dievas gali išgelbėti iš mirties.
21Laakiinse Ilaah wuxuu wax ku dhufan doonaa madaxa cadaawayaashiisa, Iyo dhalada timaha leh oo kan xadgudubyadiisa ku sii socdaba.
21Tačiau Dievas sudaužo galvas savo priešams, gauruotas galvas tiems, kurie nepaliauja elgtis nedorai.
22Sayidku wuxuu yidhi, Waxaan iyaga ka soo celin doonaa xagga Baashaan, Oo waxaan ka soo bixin doonaa badda moolkeeda,
22Viešpats tarė: “Iš Bašano kalnų juos sugrąžinsiu, jūros gelmėje surasiu,
23Inaad cagtaada dhiig darsatid, Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.
23kad mirkytum koją jų kraujuje ir tavo šunų liežuviams būtų ką laižyti”.
24Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii, Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah.
24Jie matė Tavo eitynes, Dieve, mano Dievo ir mano Karaliaus didingąjį žygį į šventyklą.
25Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
25Priešakyje giesmininkai, gale muzikantai ėjo, viduryje mergaitės mušė būgnelius.
26Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow, Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.
26Laiminkite Dievą susirinkimuose, Viešpatį, kurie esate iš Izraelio giminės.
27Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda, Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda, Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
27Priekyje eina Benjaminas, visų jauniausias! Judo kunigaikščiai su savo būriais, Zabulono ir Neftalio kunigaikščiai.
28Ilaahaagu xooggaaguu amray, Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.
28Dieve, parodyk savo galybę, įtvirtink, Dieve, tai, ką padarei mūsų labui!
29Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
29Jeruzalėje yra Tavo šventykla, karaliai ten dovanas Tau neš.
30Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
30Sudrausk nendryno žvėrį, kaimenę jaučių su tautų veršiais; sutrypk norinčius duoklės! Išsklaidyk tautas, mėgstančias karus.
31Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
31Ateis Egipto kunigaikščiai, Etiopija išties rankas į Dievą!
32Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)
32Pasaulio karalystės, giedokite Dievui, giedokite gyrių Viešpačiui!
33Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray, Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
33Tam, kuris važinėja danguose, esančiuose nuo seno. Štai Jis pakelia savo galingą balsą.
34Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado, Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal. Mahad waxaa leh Ilaah.
34Pripažinkite Dievo galybę. Izraelyje Jo didybė, debesyse Jo galia!
35Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado, Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal. Mahad waxaa leh Ilaah.
35Didingas Dievas yra savo šventykloje, Izraelio Dievas; Jis teikia savo tautai galybę ir jėgą. Tebūna šlovinamas Dievas!