Somali

Lithuanian

Psalms

90

1Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
1Viešpatie, Tu buvai mums prieglauda per kartų kartas!
2Intaan buuruhu dhalan ka hor, Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
2Pirma, negu buvo sutverti kalnai, žemė ir pasaulis, Tu, Dieve, esi nuo amžių ir per amžius!
3Dadka waxaad ku soo celisaa baabba', Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
3Tu grąžini žmones į dulkes ir sakai: “Sugrįžkite, žmonių vaikai!”
4Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin Sida shalay oo kale markay dhammaadaan. Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
4Juk tūkstantis metų Tavo akyse yra kaip vakarykštė diena, kuri praėjo, kaip sargybos laikas naktį.
5Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale, Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
5Tu pašalini žmones kaip rytmečio sapną, kaip žaliuojančią žolę.
6Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
6Rytą ji žydi, vakare nukertama ir sudžiūsta.
7Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.
7Tavo rūstybė sunaikina mus, Tavo pyktis mus gąsdina.
8Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada, Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.
8Tu laikai mūsų kaltes savo akivaizdoje, mūsų slaptas nuodėmes­savo veido šviesoje.
9Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
9Mūsų dienos praeina Tau rūstaujant, mūsų metai kaip atodūsis.
10Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
10Mūsų metų skaičius yra septyniasdešimt, o stipresniųjų­aštuoniasdešimt. Dauguma jų praeina varge ir kančiose. Jie greitai praeina, ir mes išnykstame.
11Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?
11Kas Tavo rūstybės jėgą supranta ir bijo Tavojo pykčio?
12Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
12Pamokyk mus skaičiuoti mūsų dienas, kad įgytume išmintingą širdį!
13Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.
13Sugrįžk, Viešpatie! Ar ilgai? Būk gailestingas savo tarnams!
14Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
14Gaivink mus nuo ryto savo gailestingumu, kad džiaugsmas ir linksmumas mus lydėtų visą amžių!
15Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay, Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
15Suteik mums džiaugsmo už tas dienas, per kurias pažeminti buvome, už tuos metus, per kuriuos patyrėme pikta.
16Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda.Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
16Tepamato Tavo tarnai Tavo darbus ir Tavo šlovę jų vaikai!
17Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
17Viešpatie, Dieve, būk mums geras, įtvirtink mūsų darbus, daryk mūsų darbus sėkmingus!