Somali

Lithuanian

Psalms

91

1Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
1Tas, kuris gyvena Aukščiausiojo globoje, Visagalio šešėlyje pasilieka,
2Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
2sako Viešpačiui: “Tu mano priebėga ir mano tvirtovė, mano Dievas, kuriuo pasitikiu!”
3Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun.
3Jis ištrauks tave iš medžiotojo kilpos, iš pražūtingo maro.
4Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magan geli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
4Jis pridengs tave savo plunksnomis, po Jo sparnais rasi sau prieglaudą. Didysis skydas ir šarvas yra Jo tiesa!
5Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
5Tau nereikės bijoti nakties baisumų nė strėlių, švilpiančių dieną,
6Ama belaayada gudcurka ku socota, Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
6nebaugins tavęs patamsyje slankiojąs maras nė vidudienį siaučiantis sunaikinimas.
7Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
7Tavo pašonėje kris tūkstantis ir dešimt tūkstančių­tavo dešinėje, bet tai nepriartės prie tavęs.
8Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa, Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
8Tu savo akimis tai stebėsi ir matysi nedorėlių atlyginimą,
9Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
9nes tu pasidarei Viešpatį savo priebėga, Aukščiausiąjį savo buveine.
10Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
10Tau neatsitiks nieko pikto, ir jokia nelaimė nepriartės prie tavo palapinės.
11Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
11Jis įsakys savo angelams saugoti tave visuose keliuose.
12Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
12Ant rankų jie nešios tave, kad neužsigautum kojos į akmenį.
13Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
13Tu mindžiosi liūtą ir gyvatę, sutrypsi jauniklį liūtą ir slibiną.
14Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
14“Kadangi jis pamilo mane, Aš išlaisvinsiu jį ir apginsiu, nes jis mano vardą pažįsta.
15Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
15Jis šauksis manęs, ir Aš jam atsakysiu. Būsiu su juo varge, išlaisvinsiu jį ir pagerbsiu.
16Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
16Ilgu gyvenimu pasotinsiu jį ir parodysiu jam savo išgelbėjimą”.