Somali

Lithuanian

Psalms

95

1Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.
1Ateikite, giedokime Viešpačiui! Džiaugsmingą triukšmą kelkime savo išgelbėjimo uolai!
2Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.
2Ateikime į Jo akivaizdą su padėka, džiaugsmingai giedokime Jam psalmes!
3Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn, Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.
3Viešpats yra didis Dievas ir didis Karalius, didesnis už visus dievus.
4Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan, Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh.
4Jo rankoje yra žemės gelmės ir Jam priklauso kalnų viršūnės.
5Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey, Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.
5Jo yra jūra, nes Jis ją sutvėrė, ir sausuma Jo rankų darbas.
6Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee, Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,
6Ateikite, pulkime žemėn prieš Dievą ir pagarbinkime, atsiklaupkime prieš Viešpatį, kuris sutvėrė mus!
7Waayo, isagu waa Ilaaheen, Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira. Bal maanta maad codkiisa maqashaan!
7Jis yra mūsų Dievas, o mes­Jo ganoma tauta ir Jo rankų globojamos avys! Šiandien, jeigu išgirsite Jo balsą,­
8Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay, Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,
8“neužkietinkite savo širdžių kaip Meriboje, kaip gundymo dieną dykumoje,
9Markay awowayaashiin i jirrabeen, Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.
9kur jūsų tėvai mane gundė ir mėgino, nors mano darbus buvo matę!
10Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay Inaanay nasashadayda gelin.
10Keturiasdešimt metų mane liūdino ta karta, ir Aš pasakiau: ‘Ši tauta klysta savo širdyje ir nepažįsta mano kelių’.
11Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay Inaanay nasashadayda gelin.
11Užsirūstinęs jiems prisiekiau: ‘Jie neįeis į mano poilsį!’ ”