Somali

Lithuanian

Psalms

94

1Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow, Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.
1Viešpatie Dieve, kuris atkeršiji, Dieve, kuris atkeršiji, pasirodyk!
2Xaakinka dunidow, sara joogso, Oo kuwa kibray abaalkooda mari.
2Kelkis, pasaulio Teisėjau, atlygink išdidiesiems, ką jie nusipelnė!
3Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?
3Viešpatie, ar ilgai dar nedorėliai džiūgaus?
4Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
4Ar ilgai kalbės įžūliai ir didžiuosis visi piktadariai?
5Rabbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga, Oo dhaxalkaagay silciyaan.
5Viešpatie, jie trypia Tavo tautą, spaudžia Tavo paveldą.
6Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan, Oo agoontay nafta ka qaadaan.
6Jie užmuša našlę ir ateivį, žudo našlaičius.
7Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono, Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.
7Jie sako: “Viešpats nemato, Jokūbo Dievas nepastebi”.
8Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?
8Susipraskite, tautos neišmanėliai! Jūs kvailiai, kada išminties įgysite?
9Kii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo? Kii isha sameeyeyna, sow wax arki maayo?
9Nejaugi Tas, kuris padarė ausį, negirdėtų, ir Tas, kuris sukūrė akį, nematytų?
10Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo? Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
10Argi Tas, kuris auklėja tautas ir moko žmones išminties, nesudraustų?
11Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micnela'aan yihiin.
11Viešpats žino žmonių mintis, kad jos yra tuščios.
12Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
12Palaimintas žmogus, Viešpatie, kurį Tu auklėji ir savo įstatymo mokai;
13Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
13ramybę jam teiki nelaimių dienomis, kol nedorėliui kasama duobė.
14Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.
14Juk Viešpats neatmes savo tautos ir neapleis savo paveldėjimo.
15Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
15Teisingumas sugrįš teisiajam ir juo paseks visi tiesiaširdžiai.
16Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?
16Kas gins mane nuo piktadarių? Kas užstos mane prieš skriaudėjus?
17Rabbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.
17Jei Viešpats man nebūtų padėjęs, būčiau atsidūręs tylos karalystėje.
18Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa, Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.
18Kai pasakiau: “Slysta mano koja”, Tavo gailestingumas, Viešpatie, palaikė mane.
19Kolkay fikirro badan igu dhex jiraan Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.
19Kai mano širdis prisikaupė rūpesčių, Tavo paguoda sielai džiaugsmą grąžino.
20Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa, Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?
20Argi Tu nedorėlių sostui pritarsi, kai iškraipydami įstatymą jie spaudžia žmones?
21Waxay dhammaantood isu soo wada urursadaan kan xaqa ah naftiisa, Oo waxay xukumaan dhiig aan eed lahayn.
21Teisiojo sielą jie puola, nekaltą kraują pasmerkia.
22Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.Oo wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii, Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.
22Bet Viešpats yra mano apsauga ir mano Dievas­priebėgos uola.
23Oo wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii, Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.
23Jis atlygins jiems už jų nedorybes, jų pačių neteisybėse sunaikins juos. Viešpats, mūsų Dievas, sunaikins juos.