1Anigu waxaan ahay ubaxnarjiska Shaaroon, Iyo ubaxshooshanka dooxooyinka.
1Aš esu rožė iš Sarono, slėnių lelija.
2Sida ubaxshooshanku qodxanta ku dhex yahay, Ayay taan jeclahayna gabdhaha ku dhex tahay.
2Kaip lelija tarp erškėčių, taip mano mylimoji tarp dukterų.
3Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay, Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay. Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan, Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.
3Kaip obelis tarp miško medžių, taip mano mylimasis tarp sūnų. Su džiaugsmu sėdžiu jo ūksmėje, jo vaisius man saldus.
4Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.
4Jis atvedė mane į puotos namus, jo vėliava virš manęsmeilė.
5Sabiib igu quudi, oo tufaax igu noolee, Waayo, anigu caashaq baan la bukaa.
5Atgaivinkite mane vynuogėmis, sustiprinkite obuoliais, nes aš alpstu iš meilės.
6Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.
6Jo kairė ranka po mano galva, o dešinė apkabina mane.
7Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin Ilaa uu doono.
7Saikdinu jus, Jeruzalės dukros, laukų stirnomis ir elnėmis, nežadinkite ir nekelkite mano mylimosios, kol ji pati nenorės.
8Waa kaa codkii gacaliyahaygu! Bal eega, wuu soo socdaa, Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.
8Mano mylimojo balsas! Jis ateina šokinėdamas per kalnus ir kalnelius.
9Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale. Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa, Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.
9Mano mylimasis yra lyg stirna ar jaunas briedis. Štai jis jau stovi už sienos ir žiūri pro lango groteles.
10Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi, Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
10Mano mylimasis man kalba: “Kelkis, mano mylimoji, mano gražuole, ateik!
11Waayo, qabowgii wuu na dhaafay, Oo roobkiina wuu dhammaaday, wuuna qaaday,
11Žiema jau praėjo, lietus pasibaigė ir liovėsi.
12Ubaxii dhulkuu ka muuqanayaa, Oo wakhtigii shimbirruhu gabyi jireenna waa la gaadhay, Oo codkii qoolleydana dalkayagaa laga maqlayaa.
12Gėlės jau pasirodė žemėje; atėjo giedojimo metas, ir balandžių balsai girdimi krašte.
13Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa, Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan, Wayna soo carfayaan. Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
13Figmedžio pumpurai sprogsta, vynuogynai žydi ir kvepia. Kelkis, mano mylimoji, mano gražuole, ateik!
14Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.
14Mano balandėle, gyvenanti uolų plyšiuose, parodyk savo veidą! Leisk išgirsti tavo balsą, nes tavo balsas gražus ir veidas žavus”.
15Dawacooyinka noo qabta, kuwaasoo ah dawacooyinka yaryar ee beerahayaga canabka ah bi'iya, Waayo, beerahayaga canabka ahu haatan way ubxinayaan.
15Sugaukite lapes, mažas laputes, kurios gadina vynuogynus, nes mūsų vynuogynas žydi.
16Gacaliyahaygu waa kaygii oo anna tiisii baan ahay. Wuxuu adhigiisa daajinayaa ubaxyada dhexdooda.Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o, Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah Oo buuraha Beter kor jooga.
16Mano mylimasis yra mano, o aš jo. Jis gano tarp lelijų.
17Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o, Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah Oo buuraha Beter kor jooga.
17Kol diena aušta ir šešėliai pabėga, skubėk pas mane, mano mylimasai, kaip stirna, kaip jaunas briedis per Beterio kalnus.