1Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.
1Naktį savo guolyje ieškojau to, kurį myliu; aš ieškojau jo, bet neradau.
2Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa, Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin.
2Aš kelsiuos, eisiu į miestą, vaikštinėsiu miesto gatvėmis ir aikštėmis, ieškosiu savo mylimojo. Aš ieškojau jo, bet neradau.
3Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay, Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen?
3Mane sutiko miesto sargybiniai, vaikščiodami miesto gatvėmis. Aš paklausiau, ar jie nematė mano mylimojo.
4Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.
4Praėjusi pro juos, radau tą, kurį myliu. Pagavau jį ir nepaleidau, kol neįsivedžiau į savo motinos namus, į kambarį savo gimdytojos.
5Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono.
5Saikdinu jus, Jeruzalės dukros, laukų stirnomis ir elnėmis, nežadinkite ir nekelkite mano mylimosios, kol ji pati nenorės.
6Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?
6Kas ten lyg dūmų stulpas ateina iš dykumos; iškvėpintas mira, kvepalais ir visokiais pirklių milteliais.
7Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee. Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil Ayaa hareereheeda ku wareegsan.
7Tai Saliamono neštuvai! Šešiasdešimt karių, Izraelio karžygių, jį lydi.
8Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan. Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay, Cabsida habeenka aawadeed.
8Jie visi ginkluoti kardais, įgudę kovotojai; kiekvieno kardas prie juosmens, paruoštas nakties pavojui.
9Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado Ka samaystay qoryihii Lubnaan.
9Karaliaus Saliamono neštuvai padaryti iš Libano medžių.
10Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay, Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay, Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay.Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.
10Neštuvų atramos sidabrinės, atlošas auksinis, sėdynė purpuru aptraukta, o vidus su meile papuoštas Jeruzalės dukterų.
11Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.
11Siono dukros, išeikite pamatyti karalių Saliamoną su karūna, kuria jo motina karūnavo jį vestuvių dieną, jo linksmybių dieną.