1Xilliga roobka dambe roob ka barya Rabbiga, isagoo ah Rabbiga hillaaca sameeya, oo iyaguu siin doonaa roob wanaagsan, oo wuxuu qof kasta beerta ku siin doonaa doog.
1Melskite Viešpatį lietaus, atėjus vėlyvo lietaus metui! Viešpats surinks debesis ir duos gausų lietų, palaistys visus laukų augalus.
2Waayo, teraafiimkii waxay ku hadleen wax aan waxba ahayn, waxsheegayaashiina wax been ah bay arkeen, oo waxay sheegeen riyooyin been ah, oo si aan waxtar lahayn ayay ugu qalbi qaboojiyaan, haddaba sidaas daraaddeed waxay u ambadaan sida ido oo kale, oo aad bay u dhibtoodaan, maxaa yeelay, adhijir ma leh.
2Stabai kalba tuštybes, būrėjai skelbia melą, tuščių sapnų aiškinimą. Jų paguoda yra bevertė. Todėl jie klaidžiojo kaip avys ir skurdo, nes neturėjo ganytojo.
3Adhijirrada aad baan ugu cadhooday, oo waxaan ciqaabi doonaa orgida, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu soo booqday idihiisii ahaa dadka dalka Yahuudah, oo wuxuu ka dhigi doonaa sida faraskiisa sharafta leh oo dagaalka ku jira.
3“Prieš ganytojus užsidegė mano rūstybė, Aš nubaudžiau ožius. Kareivijų Viešpats aplankė savo kaimenę, Judo namus, ir padarė juos tarsi gerą kovos žirgą.
4Waxaa isaga ka iman doona dhagaxa rukunka, oo dhidibkuna isaguu ka iman doonaa, qaansada dagaalkuna isagay ka iman doontaa, oo taliye kastaana isaguu ka iman doonaa.
4Iš jų kils kertinis akmuo, palapinės stulpas, kovos lankas, galingi vadai.
5Oo iyana waxay ahaan doonaan sida rag xoog badan oo dagaal gala oo cadowgooda kula tunta dhoobada jidadka dhex taal. Wayna diriri doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa iyaga la jira. Oo kuwa fardaha ku joogaana way isku qasmi doonaan.
5Jie bus karžygių tauta: sutryps kovoje priešą kaip gatvių purvą, nes Viešpats bus su jais ir išdidūs raiteliai bus sugėdinti.
6Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.
6Aš sustiprinsiu Judo namus, išgelbėsiu Juozapą. Pasigailėsiu jų ir parvesiu juos iš tremties. Jie bus tokie, lyg niekada nebūčiau jų atmetęs. Aš esu Viešpats, jų Dievas, ir išklausysiu juos.
7Oo kuwa reer Efrayimna waxay noqon doonaan sida nin xoog badan, oo qalbigooduna wuxuu u rayrayn doonaa sidii iyagoo khamri ka wabxay, oo carruurtooduna way arki doonaan, oo way rayrayn doonaan, oo qalbigooduna waa ku farxi doonaa Rabbiga.
7Efraimai bus lyg karžygiai, jie džiūgaus kaip nuo vyno. Jų vaikai, tai matydami, džiaugsis ir dėkos Viešpačiui.
8Anigu waan u foodhyi doonaa iyaga, oo waan isu soo wada ururin doonaa, waayo, waan soo furtay, oo waxay u badan doonaan siday u badnaan jireen.
8Aš juos surinksiu, nes išpirkau juos. Jie bus gausūs, kaip buvo anksčiau.
9Waxaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan.
9Aš juos išsklaidysiu tarp tautų. Tolimose šalyse jie neužmirš manęs, gyvens su savo vaikais ir sugrįš.
10Mar kalaan ka soo bixin doonaa dalkii Masar, Ashuurna waan ka soo ururin doonaa, oo waxaan iyaga keeni doonaa dalka Gilecaad iyo Lubnaan, oo weliba meel looma heli doono.
10Aš parvesiu juos iš Egipto krašto, surinksiu iš Asirijos. Į Gileado ir Libano kraštą juos atvesiu, nes jiems savame krašte bus ankšta.
11Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa.Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
11Jie pereis per vargų jūrą. Aš sulaikysiu jūros bangas, išdžiovinsiu upės gelmes. Asirijos išdidumas bus pažemintas ir Egipto skeptras pašalintas.
12Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
12Aš sustiprinsiu juos Viešpatyje ir jie vaikščios Jo vardu”,sako Viešpats.