Somali

Lithuanian

Zechariah

9

1Kanu waa warka culus ee erayga Rabbiga oo ku saabsan dalka Xadraag, oo Dimishaqna waa meeshuu joogayo, waayo, nin kasta iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammuba waxay indhaha ku taagayaan Rabbiga xaggiisa,
1Viešpaties žodis Hadracho kraštui ir Damasko miestui. Viešpačiui priklauso Sirijos miestai ir visos Izraelio giminės.
2iyo weliba Xamaad oo soohdinteeda ku ag taal, iyo weliba Turos iyo Siidoon, maxaa yeelay, iyadu way caqli badan tahay.
2Taip pat Hamatas, kuris ribojasi su Hadrachu, Tyras ir Sidonas, nors jie ir labai išmintingi.
3Turos waxay dhisatay qalcad, oo waxay lacag u urursatay sida ciidda oo kale, iyo dahab saafiya sida dhoobada jidadka dhex taal oo kale.
3Tyras pasistatė tvirtovę ir surinko sidabro kaip dulkių ir aukso kaip gatvių purvo.
4Bal eeg, Sayidku iyada wuu hantiyi doonaa, oo xooggeedana badduu ku tuuri doonaa, oo dab baa dhammayn doona.
4Štai Viešpats padarys jį beturtį, jo galia žus jūroje, o jis pats­ugnies liepsnose.
5Ashqeloon way arki doontaa, wayna cabsan doontaa, oo Gaasana way arki doontaa oo aad bay u xanuunsan doontaa, Ceqroonna way cabsan doontaa, waayo, waxfilashadeedii way dhammaan doontaa, oo Gaasana boqorku wuu ka baabbi'i doonaa, Ashqeloonna lama degganaan doono.
5Aškelonas, tai matydamas, nusigąs; taip pat Gaza ir Ekronas didžiai sielvartaus, nes niekais nuėjo jų viltis. Gazos karalius žus, Aškelonas bus nebegyvenamas.
6Ashdoodna reer garac baa dhex degganaan doona, oo kibirka reer Falastiinna waan baabbi'in doonaa.
6Įvairių tautybių žmonės gyvens Ašdode. Aš sunaikinsiu filistinų išdidumą.
7Waxaan afkooda ka soo bixin doonaa dhiiggooda, oo ilkahooda dhexdoodana karaahiyadoodaan ka soo bixin doonaa, oo iyaguna Ilaahayagay dad hadhay u ahaan doonaan, oo sida ugaas dalka Yahuudah dhex jooga oo kale ayay ahaan doonaan, oo Ceqroonna waxay noqon doontaa sida reer Yebuus.
7Aš atimsiu kraują iš jo burnos ir bjaurystę nuo jo dantų. Išlikę priklausys mūsų Dievui ir bus kaip Judo gyventojai, Ekronas­kaip jebusiečiai.
8Oo gurigayga hareerihiisa waan degi doonaa inaan ciidanka ka hor joogsado, inaan ninna ka dhex marin ama ku soo noqon, oo mar dambena mid wax dulma iyaga ma dhex mari doono, waayo, haatan indhahaygaan ku arkay.
8Aš stovėsiu kaip sargybinis savo tautos namuose, kad niekas jų nepultų ir nenaikintų. Prispaudėjas nebeateis, nes dabar Aš pats saugosiu juos.
9Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed.
9Linksmai džiūgauk, Siono dukra! Šauk, Jeruzalės dukra! Tavo karalius ateina pas tave. Jis teisus ir atneša išgelbėjimą, nuolankus ir joja ant asilo, ant asilės jauniklio.
10Oo anigu Efrayim gaadhifardood kasta waan ka baabbi'in doonaa, oo Yeruusaalemna faras kuma reebi doono, oo qaansada dagaalkana waa la baabbi'in doonaa. Isna quruumaha nabad buu kula hadli doonaa, oo dowladnimadiisuna waxay gaadhi doontaa bad ilaa baddeeda kale, iyo tan iyo Webiga iyo xataa dhulka darafyadiisa.
10Aš sunaikinsiu Efraimo kovos vežimus ir Jeruzalės žirgus, jos kovos lanką sulaužysiu. Jis skelbs taiką pagonims ir viešpataus nuo jūros iki jūros ir nuo upės iki žemės pakraščių.
11Oo weliba adigana dhiiggii axdigaaga daraaddiis maxaabiistaadii waan ka soo bixiyey godkii aan biyuhu ku jirin.
11Dėl padarytos su tavimi kraujo sandoros Aš išleisiu tavo kalinius iš duobės, kurioje nėra vandens.
12Ku noqda qalcadda, maxaabiistiinna rajada lahow, maantadan ayaan caddaynayaa inaan laba jibbaar idin siinayo.
12Kaliniai, pasitikėkite ir sugrįžkite į tvirtovę! Dabar skelbiu, kad Aš jums atlyginsiu dvigubai.
13Waayo, dadka Yahuudah sida qaanso baan u xootay, oo reer Efrayim sida fallaadh oo kale ayaan qaansadii u gashaday. Siyoonay, wiilashaada waan kicin doonaa, Yaawaanow, iyagaan ku kicin doonaa wiilashaada, oo waxaan kaaga dhigi doonaa sida seef nin xoog badanu haysto.
13Aš naudosiu Judą kaip lanką, Efraimą kaip strėlę. Sione, Aš pakelsiu tavo sūnus prieš Graikiją ir padarysiu tave karžygio kardu.
14Oo Rabbigiina waa lagu arki doonaa korkooda, oo fallaadhihiisuna waa u soo bixi doonaan sida hillaac. Oo Sayidka Rabbiga ahu buunkuu afuufi doonaa, oo wuxuu raaci doonaa dabaylo cirwareen ah ee koonfureed.
14Viešpats bus virš jų ir šaudys strėlėmis kaip žaibais. Viešpats Dievas trimituodamas ateis su viesulais iš pietų.
15Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga.
15Kareivijų Viešpats juos gins, jie ris ir naikins mėtyklių akmenimis. Jie gers ir bus triukšmingi kaip nuo vyno, jie bus pilni kaip indai, kaip aukuro ragai.
16Oo wakhtigaas ayaa Rabbiga Ilaahooda ahu dadkiisa badbaadin doonaa sida iyagoo idihiisa ah, waayo, waxay ahaan doonaan sida dhagxan qaali ah oo taaj ku jira oo dalkiisa ka kor dhalaalaya.Barwaaqadiisu badanaa oo quruxdiisu weynaan badanaa! Barbaarrada hadhuudh baa barwaaqayn doonaa, gabdhahana khamri cusub baa barwaaqayn doona.
16Tą dieną Viešpats, jų Dievas, juos išgelbės ir ganys kaip savo kaimenę. Jie bus kaip brangakmeniai karūnoje ir spindės virš Jo krašto.
17Barwaaqadiisu badanaa oo quruxdiisu weynaan badanaa! Barbaarrada hadhuudh baa barwaaqayn doonaa, gabdhahana khamri cusub baa barwaaqayn doona.
17Koks didis Jo gerumas ir grožis. Javai pradžiugins jaunuolius ir jaunas vynas mergaites.