Somali

Lithuanian

Zechariah

8

1Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,
1Kareivijų Viešpats kalbėjo:
2Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.
2“Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Didelis mano pavydas dėl Siono, labai užsirūstinęs pavydžiu dėl jo’.
3Rabbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah.
3Taip sako Viešpats: ‘Aš sugrįžau į Sioną ir gyvensiu Jeruzalėje. Jeruzalė bus vadinama tiesos miestu, o kareivijų Viešpaties kalnas­šventu kalnu’.
4Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis.
4Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Seneliai ir senelės sėdės Jeruzalės gatvėse su lazda rankoje dėl senatvės.
5Oo magaalada jidadkeedana waxaa ka buuxi doona wiilal iyo gabdho oo jidadka dhexdooda ku cayaaraya.
5Miesto aikštės bus pilnos žaidžiančių berniukų ir mergaičių’.
6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?
6Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Jei šiomis dienomis tautos likučiui tai atrodo neįmanomas dalykas, ar ir man tai neįmanoma?­sako kareivijų Viešpats’.
7Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.
7Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Aš išgelbėsiu savo tautą ir parvesiu ją iš rytų ir vakarų.
8Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.
8Jie gyvens Jeruzalėje ir bus mano tauta, o Aš būsiu jų Dievas tiesoje ir teisume’.
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.
9Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Tesustiprėja jūsų rankos, kurie girdite šiomis dienomis žodžius pranašų, buvusių tą dieną, kai dėjo pamatus kareivijų Viešpaties šventyklai.
10Waayo, wakhtigaas ka hor ninna kiro ma lahayn, neefna kiro ma lahayn innaba, oo kii baxay iyo kii galay toona nabadu uma jirin cadowga daraaddiis, waayo, dadka oo dhan nin kasta waxaan ku diray deriskiisa.
10Iki tol žmogus negaudavo atlyginimo nei už savo darbą, nei už gyvulį. Priešai užpuldinėjo įeinančius ir išeinančius miesto gyventojus, nes Aš sukėliau žmones vieną prieš kitą.
11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.
11Bet dabar Aš nebesielgsiu su tautos likučiu kaip iki šiol,­sako kareivijų Viešpats.­
12Waayo, waxaa jiri doona iniintii nabadda. Geedcanabkuna canabkiisuu dhali doonaa, oo dhulkuna midhihiisuu soo bixin doonaa, oo samooyinkuna sayaxay soo deyn doonaan, oo waxaan ka dhigi doonaa in kuwa dadkan ka hadhay ay waxyaalahan oo dhan dhaxlaan.
12Pasėliai klestės, vynmedis neš vaisių, laukai duos derlių ir dangus­rasą. Visa tai Aš duosiu šitos tautos likučiui.
13Dadka dalka Yahuudahow, iyo dadka dalka Israa'iilow, sidaad quruumaha habaar ugu dhex ahaydeen ayaan idiin badbaadin doonaa, oo barako baad ku ahaan doontaan. Ha cabsanina, laakiinse gacmihiinnu xoog ha yeesheen.
13Judo ir Izraelio namai, jūs buvote prakeikimu tautose. Dabar jus išgelbėsiu ir jūs būsite palaiminimu. Nebijokite! Stiprios tebūna jūsų rankos!’
14Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Sidii waagii ay awowayaashiin iiga xanaajiyeen oo aan ugu fikiray inaan iyaga wax xun ku sameeyo, oo aanan taas uga soo noqon,
14Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Kaip Aš nusprendžiau bausti jus, kai jūsų tėvai užrūstino mane, ir negailėjau jūsų,
15sidaas oo kale ayaan haatan ku fikiray inaan wax wanaagsan ku sameeyo Yeruusaalem iyo dadka dalka Yahuudah, haddaba ha cabsanina.
15taip dabar Aš nusprendžiau daryti gera Jeruzalei ir Judo namams. Tad nebijokite!
16Idinku waxaad samaysaan waxyaalahan, ninkiin kastaaba deriskiisa run ha kula hadlo, oo waxaad irdihiinna ku naqdaan garsoorid run ah oo nabad keenta,
16Štai ką turite daryti: kalbėkite tiesą vienas kitam ir teisingai teiskite.
17oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.
17Neplanuokite pikto vienas prieš kitą savo širdyje! Venkite klastingos priesaikos, nes viso to nekenčiu!­sako Viešpats’ ”.
18Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,
18Viešpats kalbėjo man, sakydamas:
19Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Soonkii bisha afraad iyo soonkii bisha shanaad iyo soonkii bisha toddobaad iyo soonkii bisha tobnaadba waxay dadka dalka Yahuudah u noqon doonaan farxad iyo rayrayn iyo iido lagu rayreeyo, haddaba sidaas daraaddeed jeclaada runta iyo nabadda.
19“Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Ketvirto, penkto, septinto ir dešimto mėnesio pasninkų dienos bus Judo gyventojų džiaugsmas, linksmybė ir iškilmingos šventės, tik mylėkite tiesą ir taiką!’
20Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan.
20Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Ateis tautos ir daugelio miestų gyventojai.
21Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa.
21Vieno miesto gyventojai kalbės kito miesto gyventojams: ‘Eikime drauge melstis Viešpačiui ir ieškoti kareivijų Viešpaties’.
22Dadyow badan iyo quruumo xoog badanuba waxay u soo kici doonaan inay Yeruusaalem ka doondoonaan Rabbiga ciidammada, iyo inay Rabbiga baryaan.Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas toban nin oo ka mid ah quruumaha oo dhammu waxay ku dhegi doonaan mid Yuhuud ah darafka dharkiisa, iyagoo leh, Annagu waannu idin raaci doonnaa, waayo, waxaannu maqalnay in Ilaah idinla jiro.
22Daug tautų ir giminių ateis Jeruzalėn ieškoti kareivijų Viešpaties ir melstis Viešpačiui’.
23Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas toban nin oo ka mid ah quruumaha oo dhammu waxay ku dhegi doonaan mid Yuhuud ah darafka dharkiisa, iyagoo leh, Annagu waannu idin raaci doonnaa, waayo, waxaannu maqalnay in Ilaah idinla jiro.
23Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Tuomet dešimt vyrų iš įvairių tautų atėję įsikibs žydui už skverno ir sakys: ‘Mes eisime su jumis, nes girdėjome, kad su jumis yra Dievas’ ”.