Somali

Lithuanian

Zechariah

7

1Oo Boqor Daariyus sannaddiisii afraad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah maalintii afraad oo bisha sagaalaad, taasoo ah bisha Kislee'u.
1Ketvirtaisiais karaliaus Darijaus metais, devinto mėnesio ketvirtą dieną, Viešpats kalbėjo Zacharijui,
2Haddaba reer Beytel waxay soo direen Shareser iyo Regem Meleg iyo raggoodiiba inay Rabbiga baryaan,
2kai Betelio gyventojai siuntė Sarecerą ir Regem Melechą su jų žmonėmis melstis Viešpačiui
3iyo inay la hadlaan wadaaddadii guriga Rabbiga ciidammada, iyo nebiyadii, oo ay ku yidhaahdaan, Miyaan bisha shanaad ooyaa, oo miyaan gooni iska dhigaa sidii aan yeeli jiray sannadahan badan oo dhan?
3ir kareivijų Viešpaties kunigų bei pranašų paklausti: “Ar man pasninkauti ir verkti penktąjį mėnesį, kaip tai dariau daugelį metų?”
4Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo wuxuu igu yidhi,
4Kareivijų Viešpats atsakė man:
5Waxaad la hadashaa dadka dalka deggan oo dhan iyo wadaaddadaba, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad soomi jirteen oo aad barooran jirteen bisha shanaad iyo bisha toddobaad, oo ah toddobaatankan sannadood, miyaad innaba aniga ii soomi jirteen?
5“Sakyk viso krašto žmonėms ir kunigams: ‘Kai pasninkavote ir gedėjote penktąjį ir septintąjį mėnesį per šituos septyniasdešimt metų, ar jūs man pasninkavote?
6Oo markaad wax cuntaan, iyo markaad wax cabtaan, miyaydaan nafsaddiinna u cunin oo miyaydaan nafsaddiinna u cabbin?
6O kai valgote ir geriate, ar ne sau valgote ir geriate?’
7Sow ma aha erayadii Rabbigu kaga dhex qayliyey nebiyadii hore, markii Yeruusaalem la degganaa oo ay barwaaqada ku dhex jirtay, oo la wada degganaa magaalooyinka hareeraheeda ku wareegsan iyo xagga koonfureed iyo bannaankaba?
7Argi ne tokius pat žodžius Viešpats skelbė per ankstesniuosius pranašus, kai Jeruzalė buvo dar nesunaikinta ir jos aplinkiniai miestai, pietų kraštas ir žemuma tebebuvo apgyventa?”
8Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah, isagoo leh,
8Viešpats kalbėjo Zacharijui:
9Rabbiga ciidammadu sidan buu ku hadlay oo yidhi, Garsoorid daacad ah naqa, oo nin waluba walaalkiis ha u sameeyo naxariis iyo raxmad.
9“Taip kalbėjo kareivijų Viešpats: ‘Teiskite teisingai ir būkite pasigailintys bei užjaučiantys vienas kitą!
10Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo madkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis.
10Neskriauskite našlių ir našlaičių, ateivių ir beturčių. Nemąstykite pikta savo širdyse prieš savo brolį’.
11Laakiinse way diideen inay dhegaystaan, oo intay caasiyeen ayay dhegaha furaysteen, si ayan u maqlin.
11Bet jie nepaisė to, atkakliai priešinosi ir užsikimšo ausis, kad negirdėtų.
12Oo waxay qalbigoodii ka dhigeen sidii dhagax adag oo kale si ayan u maqlin sharcigii iyo erayadii Rabbiga ciidammadu uu ku soo dhiibay ruuxiisa markuu nebiyadiisii hore soo diray, oo sidaas daraaddeed waxaa Rabbiga ciidammada ka timid cadho weyn.
12Jie sukietino savo širdį kaip akmenį, kad negirdėtų įstatymo ir žodžių, kuriuos kareivijų Viešpats siuntė savo dvasia per ankstesniuosius pranašus. Todėl išsiliejo kareivijų Viešpaties rūstybė.
13Oo sidii uu u dhawaaqay oo iyana ay maqli waayeen, sidaas oo kalay u qayliyeen, oo anna ma aan maqlin, ayaa Rabbiga ciidammadu yidhi,laakiinse waxaan iyaga ku kala firdhiyey dabayl duufaan ah oo waxaan dhex geeyey quruumaha ayan aqoon oo dhan. Sidaasuu dalkii cidla u noqday iyaga dabadood, oo ninna ma dhex marin, ciduna kuma soo noqon, waayo, dalkii wacnaa cidla baa laga dhigay.
13Jis šaukė, bet jie neatsiliepė. ‘Todėl ir Aš neatsiliepiau jiems šaukiant,­sako kareivijų Viešpats.­
14laakiinse waxaan iyaga ku kala firdhiyey dabayl duufaan ah oo waxaan dhex geeyey quruumaha ayan aqoon oo dhan. Sidaasuu dalkii cidla u noqday iyaga dabadood, oo ninna ma dhex marin, ciduna kuma soo noqon, waayo, dalkii wacnaa cidla baa laga dhigay.
14Aš išblaškiau juos po visas tautas, kurių jie nepažino. Kraštas, kurį jie paliko, virto dykuma­niekas nebekeliaudavo per jį. Jie pavertė tą puikų kraštą dykuma’ ”.