Somali

Lithuanian

Zechariah

6

1Oo haddana indhaha baan kor u taagay oo wax fiiriyey, oo waxaan arkay afar gaadhifaras oo ka soo baxay laba buurood dhexdood, buuruhuna waxay ahaayeen buuro naxaas ah.
1Pakėlęs akis, pamačiau iš dviejų kalnų tarpo išvažiuojančius keturis vežimus. Tie kalnai buvo variniai.
2Gaadhifaraska kowaad waxaa waday fardo xamar ah, gaadhifaraska labaadna waxaa waday fardo madmadow.
2Pirmojo kovos vežimo žirgai buvo sarti, antrojo vežimo­juodi,
3Gaadhifaraska saddexaadna waxaa waday fardo cadcad, gaadhifaraska afraadna waxaa waday fardo barbaro leh oo xoog badan.
3trečiojo­balti, o ketvirtojo­ kerši ir bėri.
4Markaasaan jawaabay oo waxaan malaggii ila hadlay ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?
4Aš klausiau angelo: “Kas tai yra, mano viešpatie?”
5Kolkaasaa malaggii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa samada afarteeda dabaylood, oo ka soo baxa meeshay Sayidka dhulka oo dhan ku hor taagnaayeen.
5Angelas man atsakė: “Tai keturios dangaus dvasios. Jos buvo visos žemės Viešpaties akivaizdoje ir dabar išvažiuoja.
6Gaadhifaraskii fardaha madmadow lahaa wuxuu tegayaa xagga dalka woqooyi, oo kuwa cadcaduna iyagay daba gelayaan, oo gaadhifaraskii fardaha barbaraha leh lahaana wuxuu tegayaa xagga dalka koonfureed.
6Juodi žirgai eis į šiaurės šalį, ir balti eis paskui juos. Kerši žirgai eis į pietų šalį”.
7Oo kuwii xoogga badnaana way soo bexeen, oo waxay doonayeen inay dhulka hore iyo dibba u dhex maraan, oo isna wuxuu ku yidhi, Taga oo dhulka hore iyo dibba u dhex mara. Oo iyana markaasay dhulkii hore iyo dibba u dhex mareen.
7Bėri žirgai nerimavo, norėjo išvažinėti visą žemę. Angelas jiems sakė: “Eikite ir važinėkite po žemę!” Jie padarė tai.
8Markaasuu igu qayliyey, oo intuu ila hadlay ayuu igu yidhi, Bal eeg, kuwii xagga dalka woqooyi tegey ruuxaygii way ku qabowjiyeen dalka woqooyi.
8Dabar jis tarė man: “Kurie išvažiavo į šiaurės kraštą, nuramino mano dvasią toje šalyje”.
9Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
9Ir Viešpats tarė man:
10Kuwii maxaabiista loo kaxaystay waxaad ka soo waddaa Xelday iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah, oo isla maalintaasba kaalay, oo waxaad gashaa guriga Yoosiyaah ina Sefanyaah oo ay joogaan kuwii Baabuloon ka yimid.
10“Paimk iš tremtinių, sugrįžusių iš Babilono­Heldajo, Tobijos bei Jedajos­aukso bei sidabro ir eik su juo tą pačią dieną į Sofonijos sūnaus Jozijo namus.
11Oo waxaad iyaga ka qaaddaa lacag iyo dahab, oo waxaad ka samaysaa taaj, oo waxaad madaxa u saartaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare.
11Padirbdink iš to sidabro ir aukso karūną ir, uždėjęs ją ant Jehocadako sūnaus Jozuės, vyriausiojo kunigo, galvos,
12Isaga la hadal, oo waxaad ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo leeyahay, Bal eega ninka magiciisu yahay Biqilka. Wuxuu ku kori doonaa meeshiisa, oo macbudka Rabbiga ayuu dhisi doonaa.
12sakyk: ‘Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Štai vyras, kurio vardas Atžala. Jis išaugs iš savo vietos ir pastatys Viešpaties šventyklą.
13Isaga qudhiisa ayaa dhisi doona macbudka Rabbiga, oo isagu ammaantuu sidan doonaa, oo carshiga ayuu ku dul fadhiyi doonaa oo ku talin doonaa. Wuxuu ahaan doonaa wadaad carshigiisa ku dul fadhiya, oo labadoodaba waxaa u dhaxayn doona taladii nabaadiinada.
13Jis garbingai sėdės soste ir valdys kraštą. Bus ir kunigas savo soste, ir jie abu taikiai sutars’.
14Oo taajajka waxaa yeelan doona Xeelem iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah iyo Xeen oo ah ina Sefanyaah, oo waxayna u ahaan doonaan xusuus macbudka Rabbiga ku jirta.Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.
14Karūna bus padėta Viešpaties šventykloje Helemo, Tobijos, Jedajos ir Sofonijo sūnaus Heno atminimui.
15Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.
15Iš tolimų kraštų atėję žmonės padės statyti Viešpaties šventyklą. Tada žinosite, kad kareivijų Viešpats siuntė mane pas jus. Tai įvyks, jei uoliai klausysite Viešpaties, savo Dievo”.