1Oo haddana indhaha baan kor u taagay oo wax fiiriyey, oo waxaan arkay qorniin la duubo oo duulaya.
1Aš pakėliau akis ir regėjau skrendantį raštų ritinį.
2Oo isna wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waxaan arkaa qorniin la duubo oo duulaya, oo dhererkiisu waa labaatan dhudhun, ballaadhkiisuna waa labaatan dhudhun.
2Angelas klausė: “Ką matai?” Aš atsakiau: “Matau skrendantį ritinį dvidešimties uolekčių ilgio ir dešimties pločio”.
3Markaasuu igu yidhi, Kanu waa habaarka soo baxay oo dhulka oo dhan kor maraya, waayo, ku alla kii wax xada waxaa lagu baabbi'in doonaa sida dhankiisan ku qoran, oo ku alla kii been ku dhaartana waxaa lagu baabbi'in doonaa sida dhankiisa kale ku qoran.
3Angelas aiškino: “Tai prakeikimas, einantis per visą žemę. Kiekvienas vagis ir melagingai prisiekiantis bus teisiamas pagal tai, kaip ten parašyta.
4Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan soo bixin doonaa, oo wuxuu soo geli doonaa guriga tuugga, iyo guriga kan magacayga beenta ugu dhaarta, oo wuxuu iska joogi doonaa gurigiisa dhexdiisa, oo alwaaxdiisa iyo dhagaxyadiisaba wuu wada baabbi'in doonaa.
4‘Aš jį pasiunčiau,sako kareivijų Viešpats,į vagies namus ir į melagingai prisiekiančio mano vardu namus, kad juos sunaikintų iš pamatų’ ”.
5Markaasaa malaggii ila hadlay soo baxay, oo wuxuu igu yidhi, Bal hadda indhaha kor u taag, oo bal arag waxa uu yahay waxan soo baxaya.
5Po to angelas, kuris kalbėjo su manimi, išėjo priekin ir man tarė: “Pakelk savo akis ir pažiūrėk, ką matai”.
6Oo waxaan ku idhi, Waa maxay? Kolkaasuu igu yidhi, Kanu waa weel eefaah ah oo soo baxaya. Oo weliba wuxuu igu yidhi, Kanu waa muuqashadii dembigooda oo dhulka oo dhan gaadhay.
6Aš klausiau: “Kas tai yra?” Angelas atsakė: “Tai indas, kuris vaizduoja viso krašto nuodėmę”.
7Oo bal eeg, waxaa kor loo qaaday wax culus oo laxaamad ah, oo waxaa jirtay naag eefaahda dhexdeeda fadhida.
7Švininis dangtis pakilo, ir štai inde sėdėjo moteris.
8Oo haddana wuxuu igu yidhi, Tanu waa xumaan. Kolkaasuu iyadii hoos ugu riday eefaahda dhexdeeda, oo wuxuu ku daboolay wixii cuslaa oo laxaamadda ahaa.
8Angelas tarė: “Tai nedorybė”. Jis ją įstūmė atgal į indą ir uždengė.
9Oo markaasaan indhaha kor u taagay, oo intaan wax fiiriyey ayaan arkay laba naagood oo soo baxay, oo dabayshuna waa ku jirtay baalashooda. Iyagu waxay lahaayeen baalal u eg baalasha xuurta oo kale, oo iyana intay eefaahdii kor u qaadeen ayay meel dhulka iyo samada u dhaxaysa geeyeen.
9Pakėlęs akis, pamačiau dvi moteris. Vėjas buvo jų sparnuose, kurie buvo panašūs į gandro sparnus. Jos pakėlė indą aukštyn.
10Markaasaan malaggii ila hadlay ku idhi, Kuwanu xaggee bay eefaahda u qaadayaan?Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Waxay u qaadayaan inay guri iyada uga dhisaan dalka Shincaar, oo markii la diyaariyo ayaa iyada lagu dejin doonaa halkaas oo meesheeda ah.
10Aš klausiau angelo: “Kur jos neša indą?”
11Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Waxay u qaadayaan inay guri iyada uga dhisaan dalka Shincaar, oo markii la diyaariyo ayaa iyada lagu dejin doonaa halkaas oo meesheeda ah.
11Jis atsakė: “Šinaro krašte jam bus pastatyti namai. Ten jis bus padėtas ant savo pamato”.