Somali

Svenska 1917

Psalms

118

1Rabbiga ku mahad naqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
1Tacken HERREN, ty han är god, ty hans nåd varar evinnerligen.
2Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
2Så säge Israel, ty hans nåd varar evinnerligen.
3Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
3Så säge Arons hus, ty hans nåd varar evinnerligen.
4Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
4Så säge de som frukta HERREN, ty hans nåd varar evinnerligen.
5Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
5I mitt trångmål åkallade jag HERREN, och HERREN svarade mig och ställde mig på rymlig plats.
6Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?
6HERREN står mig bi, jag skall icke frukta; vad kunna människor göra mig?
7Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
7HERREN står mig bi, han är min hjälpare, och jag skall få se med lust på dem som hata mig.
8Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
8Bättre är att taga sin tillflykt till HERREN än att förlita sig på människor.
9Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
9Bättre är att taga sin tillflykt till HERREN än att förlita sig på furstar.
10Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
10Alla hedningar omringa mig, men i HERRENS namn skall jag förgöra dem.
11Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
11De omringa mig, ja, de omringa mig, men i HERRENS namn skall jag förgöra dem.
12Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
12De omringa mig såsom bin, men de slockna såsom eld i törne; i HERRENS namn skall jag förgöra dem.
13Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
13Man stöter mig hårdeligen, för att jag skall falla, men HERREN hjälper mig.
14Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
14HERREN är min starkhet och min lovsång, och han blev mig till frälsning.
15Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
15Man sjunger med jubel om frälsning i de rättfärdigas hyddor: »HERRENS högra hand gör mäktiga ting.
16Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16HERRENS högra han upphöjer, HERRENS högra hand gör mäktiga ting.»
17Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
17Jag skall icke dö, utan leva och förtälja HERRENS gärningar.
18Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
18Väl tuktade mig HERREN, men han gav mig icke åt döden.
19Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahad naqi doonaa.
19Öppnen för mig rättfärdighetens portar; jag vill gå in genom dem och tacka HERREN.
20Tanu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
20Detta är HERRENS port, de rättfärdiga skola gå in genom den.
21Waan kugu mahad naqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
21Jag tackar dig för att du svarade mig och blev mig till frälsning.
22Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
22Den sten som byggningsmännen förkastade har blivit en hörnsten.
23Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.
23Av HERREN har den blivit detta; underbart är det i våra ögon.
24Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
24Detta är den dag som HERREN har gjort; låtom oss på den fröjdas och vara glada.
25Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
25Ack HERRE, fräls! Ack HERRE, låt väl gå!
26Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
26Välsignad vare han som kommer, i HERRENS namn. Vi välsigna eder från HERRENS hus.
27Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin, Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geesihiisa.
27HERREN är Gud, och han gav oss ljus. Ordnen eder i högtidsled, med lövrika kvistar i händerna, fram till altarets horn.
28Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahad naqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
28Du är min Gud, och jag vill tacka dig; min Gud, jag vill upphöja dig.
29Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
29Tacka HERREN, ty han är god, ty hans nåd varar evinnerligen.