Somali

Svenska 1917

Psalms

122

1Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
1En vallfartssång; av David. Jag gladdes, när man sade till mig: »Vi skola gå till HERRENS hus.»
2Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
2Våra fötter fingo träda in i dina portar, Jerusalem,
3Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan,
3Jerusalem, du nyuppbyggda stad, där hus sluter sig väl till hus,
4Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahad naqaan.
4dit stammarna draga upp, HERRENS stammar, efter lagen för Israel, till att prisa HERRENS namn.
5Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
5Ty där äro ställda domarstolar, stolar för Davids hus.
6Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
6Önsken Jerusalem frid; ja, dem gånge väl, som älska dig.
7Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
7Frid vare inom dina murar, välgång i dina palats!
8Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.
8För mina bröders och vänners skull vill jag tillsäga dig frid.
9Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.
9För HERRENS, vår Guds, hus' skull vill jag söka din välfärd.