Somali

Svenska 1917

Psalms

50

1Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
1En psalm av Asaf. Gud, HERREN Gud, talar och kallar jorden, allt mellan öster och väster.
2Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
2Från Sion, skönhetens fullhet, träder Gud fram i glans.
3Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
3Vår Gud kommer, och han skall icke tiga. Förtärande eld går framför honom, och omkring honom stormar det med makt.
4Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
4Han kallar på himmelen därovan och på jorden, för att döma sitt folk:
5Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
5»Församlen till mig mina fromma, som sluta förbund med mig vid offer.»
6Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
6Och himlarna förkunna att han är rättfärdig, att Gud är den som skipar rätt. Sela.
7Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
7Hör, mitt folk, jag vill tala; Israel, låt mig varna dig. Gud, din Gud, är jag.
8Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
8Icke för dina slaktoffer vill jag gå till rätta med dig; dina brännoffer har jag alltid inför mig.
9Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
9Jag vill icke taga tjurar ur ditt hus eller bockar ur dina fållor;
10Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
10ty mina äro alla skogens djur, boskapen på de tusende bergen;
11Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
11jag känner alla fåglar på bergen, och vad som rör sig på marken är mig bekant.
12Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
12Om jag hungrade, skulle jag icke säga dig det; ty min är jordens krets med allt vad därpå är.
13Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
13Skulle jag äta tjurars kött, och skulle jag dricka bockars blod?
14Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
14Nej, offra lovets offer åt Gud, så skall du få infria dina löften till den Högste.
15Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
15Och åkalla mig i nöden, så vill jag hjälpa dig, och du skall prisa mig.»
16Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
16Men till den ogudaktige säger Gud: »Huru kan du tala om mina stadgar och föra mitt förbund på tungan,
17Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
17du som hatar tuktan och kastar mina ord bakom dig?
18Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
18Om du ser en tjuv, så håller du med honom, och med äktenskapsbrytare giver du dig i lag.
19Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
19Din mun släpper du lös till vad ont är, och din tunga hopspinner svek.
20Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
20Du sitter där och förtalar din broder, din moders son lastar du!
21Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
21Så gör du, och jag tiger, och nu tror du att jag är såsom du. Nej, jag vill straffa dig och ställa dig det för ögonen.
22Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
22I som förgäten Gud, märken detta, för att jag icke må sönderriva eder utan räddning:
23Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
23den som offrar lovets offer, han ärar mig; och den som aktar på sin väg, honom skall jag låta se Guds frälsning.»