1Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
1I will lift up my eyes to the hills. Where does my help come from?
2Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
2My help comes from Yahweh, who made heaven and earth.
3Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
3He will not allow your foot to be moved. He who keeps you will not slumber.
4Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.
4Behold, he who keeps Israel will neither slumber nor sleep.
5Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
5Yahweh is your keeper. Yahweh is your shade on your right hand.
6Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
6The sun will not harm you by day, nor the moon by night.
7Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
7Yahweh will keep you from all evil. He will keep your soul.
8Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
8Yahweh will keep your going out and your coming in, from this time forth, and forevermore.