Somali

World English Bible

Psalms

120

1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.
1In my distress, I cried to Yahweh. He answered me.
2Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.
2Deliver my soul, Yahweh, from lying lips, from a deceitful tongue.
3Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?
3What will be given to you, and what will be done more to you, you deceitful tongue?
4Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.
4Sharp arrows of the mighty, with coals of juniper.
5Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!
5Woe is me, that I live in Meshech, that I dwell among the tents of Kedar!
6Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.Waxaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.
6My soul has had her dwelling too long with him who hates peace.
7Waxaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.
7I am for peace, but when I speak, they are for war.