Somali

World English Bible

Psalms

70

1Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.
1Hurry, God, to deliver me. Come quickly to help me, Yahweh.
2Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan Ha ceeboobeen oo ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.
2Let them be disappointed and confounded who seek my soul. Let those who desire my ruin be turned back in disgrace.
3Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu, Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
3Let them be turned because of their shame Who say, “Aha! Aha!”
4Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen, Ilaah ha la weyneeyo.Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, Ilaahow, ii soo dhaqso, Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. Rabbiyow, ha iga raagin.
4Let all those who seek you rejoice and be glad in you. Let those who love your salvation continually say, “Let God be exalted!”
5Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, Ilaahow, ii soo dhaqso, Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. Rabbiyow, ha iga raagin.
5But I am poor and needy. Come to me quickly, God. You are my help and my deliverer. Yahweh, don’t delay.