Somali

World English Bible

Psalms

75

1Ilaahow, adaan kuu mahad naqnaa, Waannu kuu mahad naqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
1We give thanks to you, God. We give thanks, for your Name is near. Men tell about your wondrous works.
2Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
2When I choose the appointed time, I will judge blamelessly.
3Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
3The earth and all its inhabitants quake. I firmly hold its pillars. Selah.
4Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina, Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
4I said to the arrogant, “Don’t boast!” I said to the wicked, “Don’t lift up the horn.
5Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.
5Don’t lift up your horn on high. Don’t speak with a stiff neck.”
6Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed, Ama xataa xagga koonfureed toona.
6For neither from the east, nor from the west, nor yet from the south, comes exaltation.
7Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
7But God is the judge. He puts down one, and lifts up another.
8Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
8For in the hand of Yahweh there is a cup, full of foaming wine mixed with spices. He pours it out. Indeed the wicked of the earth drink and drink it to its very dregs.
9Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa, Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa, Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.
9But I will declare this forever: I will sing praises to the God of Jacob.
10Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa, Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.
10I will cut off all the horns of the wicked, but the horns of the righteous shall be lifted up.