1Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan, Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
1In Judah, God is known. His name is great in Israel.
2Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem, Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
2His tabernacle is also in Salem; His dwelling place in Zion.
3Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada, Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
3There he broke the flaming arrows of the bow, the shield, and the sword, and the weapons of war. Selah.
4Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
4Glorious are you, and excellent, more than mountains of game.
5Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een, Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
5Valiant men lie plundered, they have slept their last sleep. None of the men of war can lift their hands.
6Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
6At your rebuke, God of Jacob, both chariot and horse are cast into a deep sleep.
7Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
7You, even you, are to be feared. Who can stand in your sight when you are angry?
8Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo, Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
8You pronounced judgment from heaven. The earth feared, and was silent,
9Markuu Ilaah xukunka u sara kacay Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)
9when God arose to judgment, to save all the afflicted ones of the earth. Selah.
10Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa, Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
10Surely the wrath of man praises you. The survivors of your wrath are restrained.
11Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda, Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.
11Make vows to Yahweh your God, and fulfill them! Let all of his neighbors bring presents to him who is to be feared.
12Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda, Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.
12He will cut off the spirit of princes. He is feared by the kings of the earth.