1ܦܘܠܘܤ ܘܤܠܘܢܘܤ ܘܛܝܡܬܐܤ ܠܥܕܬܐ ܕܬܤܠܘܢܝܩܝܐ ܕܒܐܠܗܐ ܐܒܐ ܘܒܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܛܝܒܘܬܐ ܥܡܟܘܢ ܘܫܠܡܐ ܀
1Annagoo ah Bawlos iyo Silwanos iyo Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa dadka Tesaloniika kiniisaddooda oo ku jirta Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix. Nimco ha idinla jirto iyo nabadu.
2ܡܘܕܝܢܢ ܠܐܠܗܐ ܒܟܠܙܒܢ ܥܠ ܟܠܟܘܢ ܘܡܬܕܟܪܝܢܢ ܠܟܘܢ ܒܨܠܘܬܢ ܐܡܝܢܐܝܬ ܀
2Had iyo goorba Ilaah baannu idiinku mahad naqnaa kulligiin, annagoo baryadayada idinku xusuusanayna.
3ܘܥܗܕܝܢܢ ܩܕܡ ܐܠܗܐ ܐܒܐ ܥܒܕܐ ܕܗܝܡܢܘܬܟܘܢ ܘܥܡܠܐ ܕܚܘܒܟܘܢ ܘܡܤܝܒܪܢܘܬܐ ܕܤܒܪܟܘܢ ܕܒܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
3Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
4ܝܕܥܝܢܢ ܓܝܪ ܓܒܝܘܬܟܘܢ ܐܚܝ ܚܒܝܒܘܗܝ ܕܐܠܗܐ ܀
4Annagu waannu og nahay, walaalaha Ilaah jecel yahayow, in Ilaah idin doortay,
5ܡܛܠ ܕܡܤܒܪܢܘܬܢ ܠܐ ܗܘܐ ܒܡܠܐ ܒܠܚܘܕ ܗܘܬ ܠܘܬܟܘܢ ܐܠܐ ܐܦ ܒܚܝܠܐ ܘܒܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܘܒܦܝܤܐ ܫܪܝܪܐ ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܝܟܢܐ ܗܘܝܢ ܒܝܢܬܟܘܢ ܡܛܠܬܟܘܢ ܀
5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.
6ܘܐܢܬܘܢ ܒܢ ܐܬܕܡܝܬܘܢ ܘܒܡܪܢ ܕܩܒܠܬܘܢ ܡܠܬܐ ܒܐܘܠܨܢܐ ܪܒܐ ܘܒܚܕܘܬܐ ܕܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܀
6Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.
7ܘܗܘܝܬܘܢ ܕܡܘܬܐ ܠܟܠܗܘܢ ܡܗܝܡܢܐ ܕܐܝܬ ܒܡܩܕܘܢܝܐ ܘܒܐܟܐܝܐ ܀
7Sidaas daraaddeed masaal baad u noqoteen kuwa rumaystay oo Makedoniya iyo Akhaya jooga oo dhan.
8ܡܢܟܘܢ ܓܝܪ ܐܫܬܡܥܬ ܡܠܬܗ ܕܡܪܢ ܠܐ ܒܠܚܘܕ ܒܡܩܕܘܢܝܐ ܘܒܐܟܐܝܐ ܐܠܐ ܒܟܠ ܐܬܪ ܗܝܡܢܘܬܟܘܢ ܕܒܐܠܗܐ ܐܫܬܡܥܬ ܐܝܟܢܐ ܕܠܐ ܢܤܬܢܩ ܕܢܐܡܪ ܥܠܝܟܘܢ ܡܕܡ ܀
8Waayo, ereygii Rabbigaa idinka dhawaaqay, mana aha Makedoniya iyo Akhaya dhexdooda oo keliya, laakiinse rumaysadkiinna xagga Ilaah wuxuu gaadhay meel kasta; oo sidaas daraaddeed uma aannu baahnin inaannu wax nidhaahno.
9ܗܢܘܢ ܓܝܪ ܡܫܬܥܝܢ ܐܝܢܐ ܡܥܠܢܐ ܗܘܐ ܠܢ ܠܘܬܟܘܢ ܘܐܝܟܢܐ ܐܬܦܢܝܬܘܢ ܠܘܬ ܐܠܗܐ ܡܢ ܕܚܠܬ ܦܬܟܪܐ ܕܬܦܠܚܘܢ ܠܐܠܗܐ ܚܝܐ ܘܫܪܝܪܐ ܀
9Waayo, iyaguba waxay ka warramaan wax nagu saabsan oo ah sidaannu idiinku soo galnay, iyo sidaad sanamyadii uga jeesateen oo Ilaah ugu soo jeesateen, inaad u adeegtaan Ilaaha nool oo runta ah,oo aad samada ka sugtaan Wiilkiisa uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey oo ah Ciisaha inaga samatabbixinaya cadhada imanaysa.
10ܟܕ ܡܤܟܝܬܘܢ ܠܒܪܗ ܡܢ ܫܡܝܐ ܠܝܫܘܥ ܗܘ ܕܐܩܝܡ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܕܗܘ ܡܦܨܐ ܠܢ ܡܢ ܪܘܓܙܐ ܕܐܬܐ ܀
10oo aad samada ka sugtaan Wiilkiisa uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey oo ah Ciisaha inaga samatabbixinaya cadhada imanaysa.