1ܡܪܝܐ ܥܒܕܘ ܫܘܝܘܬܐ ܘܟܐܢܘܬܐ ܠܘܬ ܥܒܕܝܟܘܢ ܘܗܘܝܬܘܢ ܝܕܥܝܢ ܕܐܦ ܠܟܘܢ ܐܝܬ ܗܘ ܡܪܐ ܒܫܡܝܐ ܀
1Sayidyadow, addoommadiinna siiya waxa xaqa ah oo u qalma, idinkoo garanaya inaad jannada Sayid ku leedihiin.
2ܒܨܠܘܬܐ ܐܬܐܡܢܘ ܘܗܘܝܬܘܢ ܥܝܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܗ ܘܡܘܕܝܢ ܀
2Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahad naqaya.
3ܘܡܨܠܝܢ ܐܦ ܥܠܝܢ ܕܐܠܗܐ ܢܦܬܚ ܠܢ ܬܪܥܐ ܕܡܠܬܐ ܠܡܡܠܠܘ ܐܪܙܐ ܕܡܫܝܚܐ ܕܡܛܠܬܗ ܐܤܝܪ ܐܢܐ ܀
3Oo weliba annagana noo soo duceeya in Ilaah noo furo albaabka hadalka, si aannu uga hadalno qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan u xidhnahay;
4ܕܐܓܠܝܘܗܝ ܘܐܡܠܠܝܘܗܝ ܐܝܟܢܐ ܕܘܠܐ ܠܝ ܀
4inaan u muujiyo, sida igu waajibka ah inaan uga hadlo.
5ܒܚܟܡܬܐ ܗܠܟܘ ܠܘܬ ܒܪܝܐ ܘܙܒܢܘ ܩܐܪܤܟܘܢ ܀
5Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta.
6ܘܡܠܬܟܘܢ ܒܟܠܙܒܢ ܒܛܝܒܘܬܐ ܐܝܟ ܕܒܡܠܚܐ ܬܗܘܐ ܡܡܕܟܐ ܘܗܘܝܬܘܢ ܝܕܥܝܢ ܠܐܢܫ ܐܢܫ ܐܝܟܢܐ ܘܠܐ ܠܟܘܢ ܠܡܬܒܘ ܦܬܓܡܐ ܀
6Mar kasta hadalkiinnu nimco ha lahaado isagoo cusbo lagu daray, inaad ogaataan sida idinku waajibka ah inaad mid kasta ugu jawaabtaan.
7ܡܕܡ ܕܠܘܬܝ ܕܝܢ ܢܘܕܥܟܘܢ ܛܘܟܝܩܘܤ ܐܚܐ ܚܒܝܒܐ ܘܡܫܡܫܢܐ ܡܗܝܡܢܐ ܘܟܢܬܢ ܒܡܪܝܐ ܀
7Axwaalkayga oo dhan waxaa idiin sheegi doona walaalkeen Tukhikos oo ah gacaliye iyo midiidin aamin ah oo addoon ila ah xagga Rabbiga.
8ܗܢܐ ܕܫܕܪܬ ܠܘܬܟܘܢ ܥܠܝܗ ܥܠ ܗܕܐ ܕܢܕܥ ܡܐ ܕܠܘܬܟܘܢ ܘܢܒܝܐ ܠܒܘܬܟܘܢ ܀
8Isagaan idiinku soo diray sababtan daraaddeed, inaad ogaataan axwaalkayaga iyo inuu qalbiyadiinna dhiirrigeliyo,
9ܥܡ ܐܢܤܝܡܘܤ ܐܚܐ ܡܗܝܡܢܐ ܘܚܒܝܒܐ ܗܘ ܕܐܝܬܘܗܝ ܡܢܟܘܢ ܗܢܘܢ ܢܘܕܥܘܢܟܘܢ ܡܕܡ ܕܠܘܬܢ ܀
9oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.
10ܫܐܠ ܒܫܠܡܟܘܢ ܐܪܤܛܪܟܘܤ ܫܒܝܐ ܕܥܡܝ ܘܡܪܩܘܤ ܒܪ ܕܕܗ ܕܒܪܢܒܐ ܗܘ ܕܐܬܦܩܕܬܘܢ ܥܠܘܗܝ ܕܐܢ ܐܬܐ ܠܘܬܟܘܢ ܬܩܒܠܘܢܝܗܝ ܀
10Waxaa idin soo salaamaya Aristarkhos oo ila xidhan, iyo Markos oo Barnabas abti u yahay, kaas oo wax isaga ku saabsan laydinku amray; hadduu idiin yimaado aqbala.
11ܘܝܫܘܥ ܗܘ ܕܡܬܩܪܐ ܝܘܤܛܘܤ ܗܠܝܢ ܕܐܝܬܝܗܘܢ ܡܢ ܓܙܘܪܬܐ ܘܗܢܘܢ ܒܠܚܘܕ ܥܕܪܘܢܝ ܒܡܠܟܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܘܗܢܘܢ ܗܘܘ ܠܝ ܒܘܝܐܐ ܀
11Weliba waxaa idin soo salaamaya Ciise oo la yidhaahdo Yuustos. Kuwaas oo ka mid ah kuwa gudan ayaa ah kuwa keliya oo iila shaqeeya boqortooyada Ilaah, iyagoo ii noqday kuwo i dhiirrigeliyey.
12ܫܐܠ ܒܫܠܡܟܘܢ ܐܦܦܪܐ ܗܘ ܕܡܢܟܘܢ ܥܒܕܐ ܕܡܫܝܚܐ ܟܕ ܒܟܠܙܒܢ ܥܡܠ ܚܠܦܝܟܘܢ ܒܨܠܘܬܐ ܕܬܩܘܡܘܢ ܓܡܝܪܐ ܘܡܫܡܠܝܐ ܒܟܠܗ ܨܒܝܢܗ ܕܐܠܗܐ ܀
12Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan.
13ܤܗܕ ܐܢܐ ܓܝܪ ܥܠܘܗܝ ܕܛܢܢܐ ܤܓܝܐܐ ܐܝܬ ܠܗ ܚܠܦܝܟܘܢ ܘܚܠܦ ܗܢܘܢ ܕܒܠܕܝܩܝܐ ܘܕܒܐܝܪܦܘܠܝܤ ܀
13Waxaan ugu markhaati furayaa inuu u hawshoodo idinka aawadiin iyo kuwa La'odikiya jooga iyo kuwa Hi'erabolis jooga aawadood.
14ܫܐܠ ܒܫܠܡܟܘܢ ܠܘܩܐ ܐܤܝܐ ܚܒܝܒܢ ܘܕܡܐ ܀
14Waxaa idin soo salaamaya Luukos oo ah gacaliyaha dakhtarkaa iyo Deemaas.
15ܫܐܠܘ ܒܫܠܡܐ ܕܐܚܐ ܕܒܠܕܝܩܝܐ ܘܕܢܘܡܦܐ ܘܕܥܕܬܐ ܕܒܒܝܬܗ ܀
15Walaalaha La'odikiya jooga iyo Numfas, iyo kiniisadda gurigiisa ku jirta nagu salaama.
16ܘܡܐ ܕܐܬܩܪܝܬ ܐܓܪܬܐ ܗܕܐ ܠܘܬܟܘܢ ܥܒܕܘ ܕܐܦ ܒܥܕܬܐ ܕܠܕܝܩܝܐ ܬܬܩܪܐ ܘܗܝ ܕܐܬܟܬܒܬ ܡܢ ܠܕܝܩܝܐ ܩܪܐܘܗ ܐܢܬܘܢ ܀
16Warqaddan markii laydinka dhex akhriyo, haddana ha laga dhex akhriyo kiniisadda reer La'odikiya, oo idinkuna akhrista warqadda aad La'odikiya ka heli doontaan.
17ܘܐܡܪܘ ܠܐܪܟܝܦܘܤ ܕܐܙܕܗܪ ܒܬܫܡܫܬܐ ܗܝ ܕܩܒܠܬ ܒܡܪܢ ܕܬܗܘܐ ܡܫܡܠܐ ܠܗ ܀
17Oo Arkhibbos waxaad ku tidhaahdaan, Adeegiddii xagga Rabbiga oo aad heshay, ku dadaal inaad dhammaysid.Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.
18ܫܠܡܐ ܗܢܐ ܒܐܝܕܐ ܕܝܠܝ ܕܦܘܠܘܤ ܗܘܝܬܘܢ ܥܗܕܝܢ ܠܐܤܘܪܝ ܛܝܒܘܬܐ ܥܡܟܘܢ ܐܡܝܢ ܀
18Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.