Syriac: NT

Somali

Acts

16

1ܘܡܛܝ ܗܘܐ ܠܕܪܒܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܠܠܘܤܛܪܐ ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܬܡܢ ܬܠܡܝܕܐ ܚܕ ܕܫܡܗ ܛܝܡܬܐܘܤ ܒܪܗ ܕܝܗܘܕܝܬܐ ܚܕܐ ܡܗܝܡܢܬܐ ܘܐܒܘܗܝ ܐܪܡܝܐ ܗܘܐ ܀
1Oo wuxuu kaloo yimid Derbe iyo Lustara; oo bal eega, halkaas waxaa joogay nin xer ah oo la odhan jiray Timoteyos, oo ahaa Yahuudiyad rumaysan wiilkeed, aabbihiise wuxuu ahaa Gariig.
2ܘܟܠܗܘܢ ܬܠܡܝܕܐ ܕܡܢ ܠܘܤܛܪܐ ܘܡܢ ܐܝܩܢܘܢ ܡܤܗܕܝܢ ܗܘܘ ܥܠܘܗܝ ܀
2Isagana walaalihii Lustara iyo Ikoniyon joogay baa u marag furay.
3ܠܗܢܐ ܨܒܐ ܗܘܐ ܦܘܠܘܤ ܕܢܕܒܪܝܘܗܝ ܥܡܗ ܘܢܤܒ ܓܙܪܗ ܡܛܠ ܝܗܘܕܝܐ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܒܐܬܪܐ ܝܕܥܝܢ ܗܘܘ ܓܝܪ ܟܠܗܘܢ ܠܐܒܘܗܝ ܕܐܪܡܝܐ ܗܘܐ ܀
3Bawlos wuxuu doonayay inuu isagu raaco; markaasuu waday oo guday, Yuhuudda meelahaas joogtay darteed; maxaa yeelay, kulligood way wada ogaayeen in aabbihiis uu Gariig ahaa.
4ܘܟܕ ܐܙܠܝܢ ܗܘܘ ܒܡܕܝܢܬܐ ܡܟܪܙܝܢ ܗܘܘ ܘܡܠܦܝܢ ܠܗܘܢ ܕܢܗܘܘܢ ܢܛܪܝܢ ܦܘܩܕܢܐ ܐܝܠܝܢ ܕܟܬܒܘ ܫܠܝܚܐ ܘܩܫܝܫܐ ܕܒܐܘܪܫܠܡ ܀
4Oo intay magaalooyinka dhex marayeen, waxay u dhiibeen amarradii rasuulladii iyo waayeelladii Yeruusaalem joogay soo amreen, inay dhawraan.
5ܒܪܡ ܥܕܬܐ ܡܬܩܝܡܢ ܗܘܝ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܘܤܓܝܢ ܗܘܝ ܒܡܢܝܢܐ ܟܠܝܘܡ ܀
5Haddaba kiniisadihii iimaankay ku xoogoobeen, oo maalin kastaba tiradoodu waa kordhaysay.
6ܗܠܟܘ ܕܝܢ ܒܦܪܘܓܝܐ ܘܒܓܠܛܝܐ ܐܬܪܘܬܐ ܘܟܠܬ ܐܢܘܢ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܕܠܐ ܢܡܠܠܘܢ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܒܐܤܝܐ ܀
6Markaasay waxay dhex mareen dhulka Farugiya iyo Galatiya iyagoo Ruuxa Quduuska ahu u diiday inay ereyga kaga dhex hadlaan Aasiya,
7ܘܟܕ ܐܬܘ ܠܡܘܤܝܐ ܐܬܪܐ ܨܒܝܢ ܗܘܘ ܕܢܐܙܠܘܢ ܡܢ ܬܡܢ ܠܒܝܬܘܢܝܐ ܘܠܐ ܐܦܤܬ ܠܗܘܢ ܪܘܚܗ ܕܝܫܘܥ ܀
7oo markay Musiya u dhowaadeen waxay isku dayeen inay Bituniya galaan; laakiin Ruuxa Ciise uma oggolaan;
8ܘܟܕ ܢܦܩܘ ܡܢ ܡܘܤܝܐ ܢܚܬܘ ܠܗܘܢ ܠܛܪܘܐܤ ܐܬܪܐ ܀
8markaasay soo dhaafeen Musiya oo waxay yimaadeen Taroo'as.
9ܘܒܚܙܘܐ ܕܠܠܝܐ ܐܬܚܙܝ ܠܦܘܠܘܤ ܐܝܟ ܓܒܪܐ ܚܕ ܡܩܕܘܢܝܐ ܕܩܐܡ ܘܒܥܐ ܡܢܗ ܟܕ ܐܡܪ ܕܬܐ ܠܡܩܕܘܢܝܐ ܘܥܕܪܝܢܝ ܀
9Oo habeennimo ayaa Bawlos wax riyo ku arkay. Waxaa taagnaa nin reer Makedoniya ah isagoo ka baryaya oo leh, Makedoniya kaalay oo na caawi.
10ܟܕ ܕܝܢ ܚܙܐ ܦܘܠܘܤ ܗܢܐ ܚܙܘܐ ܡܚܕܐ ܨܒܝܢ ܠܡܦܩ ܠܡܩܕܘܢܝܐ ܡܛܠ ܕܐܤܬܟܠܢ ܕܡܪܢ ܩܪܢ ܕܢܤܒܪ ܐܢܘܢ ܀
10Oo markuu riyadii arkay dabadeed markiiba waxaannu doonnay inaannu Makedoniya tagno, taasoo nala noqotay in Ilaah noogu yeedhay inaannu iyaga injiilka ku wacdinno.
11ܘܪܕܝܢ ܡܢ ܛܪܘܐܤ ܘܬܪܨܢ ܠܤܡܬܪܩܐ ܘܡܢ ܬܡܢ ܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܐܬܝܢ ܠܢܐܦܘܠܝܤ ܡܕܝܢܬܐ ܀
11Haddaba ayaannu Taroo'as ka dhoofnay, oo waxaannu toos u aadnay Samotraki, maalintii xigtayna waxaannu nimid Ne'abolis;
12ܘܡܢ ܬܡܢ ܠܦܝܠܝܦܘܤ ܕܗܝ ܗܝ ܪܫܐ ܕܡܩܕܘܢܝܐ ܘܐܝܬܝܗ ܩܘܠܘܢܝܐ ܗܘܝܢ ܕܝܢ ܒܗ ܒܗܕܐ ܡܕܝܢܬܐ ܝܘܡܬܐ ܝܕܝܥܐ ܀
12markaasaannu meeshaas ka tagnay, oo waxaannu aadnay Filiboy, taas oo ah magaalomadaxda reer Makedoniya, oo ay reer Rooma u taliyaan, magaaladaas waxaannu joognay dhawr maalmood.
13ܘܢܦܩܢ ܒܝܘܡܐ ܕܫܒܬܐ ܠܒܪ ܡܢ ܬܪܥܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܥܠ ܝܕ ܢܗܪܐ ܡܛܠ ܕܬܡܢ ܡܬܚܙܐ ܗܘܐ ܒܝܬ ܨܠܘܬܐ ܘܟܕ ܝܬܒܢ ܡܡܠܠܝܢ ܗܘܝܢ ܥܡ ܢܫܐ ܕܟܢܝܫܢ ܗܘܝ ܬܡܢ ܀
13Maalintii sabtida ahayd ayaannu iridda ka baxnay, oo waxaannu tagnay webi dhinaciis, meeshaas oo aannu u malaynay meel lagu tukado; markaasaannu fadhiisannay, oo waxaannu la hadallay dumarkii urursanaa.
14ܘܐܢܬܬܐ ܚܕܐ ܡܙܒܢܬ ܐܪܓܘܢܐ ܕܕܚܠܐ ܗܘܬ ܡܢ ܐܠܗܐ ܫܡܗ ܗܘܐ ܠܘܕܝܐ ܡܢ ܬܐܘܛܝܪܐ ܡܕܝܢܬܐ ܕܗܕܐ ܦܬܚ ܠܒܗ ܡܪܢ ܘܫܡܥܐ ܗܘܬ ܡܕܡ ܕܐܡܪ ܦܘܠܘܤ ܀
14Oo naag Ludiya la odhan jiray, oo dhar guduudan iibin jirtay, oo magaalada Tu'ateyra ka iman jirtay, oo Ilaah caabudi jirtay baa na maqashay; taasoo Rabbigu qalbigeeda furay inay dhegaysato waxyaalihii Bawlos ku hadlay.
15ܘܥܡܕܬ ܗܘܬ ܗܝ ܘܒܢܝ ܒܝܬܗ ܘܒܥܝܐ ܗܘܬ ܡܢܢ ܘܐܡܪܐ ܕܐܢ ܗܘ ܕܫܪܝܪܐܝܬ ܬܟܝܠܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܗܝܡܢܬ ܒܡܪܢ ܬܘ ܫܪܘ ܠܟܘܢ ܒܒܝܬܝ ܘܤܓܝ ܐܠܨܬܢ ܀
15Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay.
16ܘܗܘܐ ܕܟܕ ܐܙܠܝܢܢ ܠܒܝܬ ܨܠܘܬܐ ܦܓܥܬ ܒܢ ܥܠܝܡܬܐ ܚܕܐ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܠܗ ܪܘܚܐ ܕܩܨܡܐ ܘܥܒܕܐ ܗܘܬ ܠܡܪܝܗ ܬܐܓܘܪܬܐ ܤܓܝܐܬܐ ܒܩܨܡܐ ܕܩܨܡܐ ܗܘܬ ܀
16Oo waxaa dhacday, markii aannu u sii soconnay meeshii lagu tukan jiray, in ay naga hor timid gabadh jinni wax sheega qabtaa, taasoo waxsheegiddeeda faa'iido badan ugu keeni jirtay sayidyadeeda.
17ܘܐܬܝܐ ܗܘܬ ܒܬܪ ܦܘܠܘܤ ܘܒܬܪܢ ܘܩܥܝܐ ܗܘܬ ܘܐܡܪܐ ܗܠܝܢ ܐܢܫܐ ܥܒܕܘܗܝ ܐܢܘܢ ܕܐܠܗܐ ܡܪܝܡܐ ܘܡܤܒܪܝܢ ܠܟܘܢ ܐܘܪܚܐ ܕܚܝܐ ܀
17Taasaa Bawlos iyo annaga na soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada.
18ܘܗܟܢܐ ܥܒܕܐ ܗܘܬ ܝܘܡܬܐ ܤܓܝܐܐ ܘܐܬܬܦܝܪ ܦܘܠܘܤ ܘܐܡܪ ܠܗ ܠܪܘܚܐ ܗܝ ܦܩܕ ܐܢܐ ܠܟܝ ܒܫܡܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܬܦܩܝܢ ܡܢܗ ܘܒܗ ܒܫܥܬܐ ܢܦܩܬ ܀
18Sidaasna maalmo badan ayay yeelaysay. Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid. Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay.
19ܘܟܕ ܚܙܘ ܡܪܝܗ ܕܢܦܩ ܠܗ ܡܢܗ ܤܒܪܐ ܕܬܐܓܘܪܬܗܘܢ ܐܚܕܘܗܝ ܠܦܘܠܘܤ ܘܠܫܝܠܐ ܘܢܓܕܘ ܐܝܬܝܘ ܐܢܘܢ ܠܫܘܩܐ ܀
19Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda,
20ܘܩܪܒܘ ܐܢܘܢ ܠܐܤܛܪܛܓܐ ܘܠܪܫܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܘܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܕܗܠܝܢ ܐܢܫܐ ܡܕܠܚܝܢ ܠܗ ܠܡܕܝܢܬܢ ܡܛܠ ܕܝܗܘܕܝܐ ܐܢܘܢ ܀
20oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,
21ܘܡܟܪܙܝܢ ܠܢ ܥܝܕܐ ܐܝܠܝܢ ܕܠܐ ܡܦܤ ܠܢ ܠܡܩܒܠܘ ܘܠܡܥܒܕ ܡܛܠ ܕܪܗܘܡܝܐ ܚܢܢ ܀
21oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah.
22ܘܟܢܫܐ ܤܓܝܐܐ ܐܬܟܢܫܘ ܥܠܝܗܘܢ ܗܝܕܝܢ ܐܤܛܪܛܓܐ ܤܕܩܘ ܢܚܬܝܗܘܢ ܘܦܩܕܘ ܕܢܢܓܕܘܢ ܐܢܘܢ ܀
22Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.
23ܘܟܕ ܢܓܕܘ ܐܢܘܢ ܤܓܝ ܐܪܡܝܘ ܐܢܘܢ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܦܩܕܘ ܠܢܛܪ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܕܢܛܪ ܐܢܘܢ ܙܗܝܪܐܝܬ ܀
23Oo markay ulo badan ku dhufteen, ayay xabsiga ku rideen iyagoo ku amraya xabsihayihii inuu aad u ilaaliyo;
24ܗܘ ܕܝܢ ܟܕ ܩܒܠ ܗܢܐ ܦܘܩܕܢܐ ܐܥܠ ܚܒܫ ܐܢܘܢ ܒܒܝܬܐ ܓܘܝܐ ܕܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܐܤܪ ܪܓܠܝܗܘܢ ܒܤܕܐ ܀
24isaguna markuu amar caynkaas ah helay, wuxuu iyagii ku riday xabsigii ugu hooseeyey, cagahoodana qori buu aad ugu xidhay.
25ܘܒܦܠܓܗ ܕܠܠܝܐ ܦܘܠܘܤ ܘܫܝܠܐ ܡܨܠܝܢ ܗܘܘ ܘܡܫܒܚܝܢ ܗܘܘ ܠܐܠܗܐ ܘܫܡܥܝܢ ܗܘܘ ܠܗܘܢ ܐܤܝܪܐ ܀
25Laakiin abbaaraha habeenbadhka Bawlos iyo Silas ayaa tukanayay oo Ilaah gabay ku ammaanayay, maxaabiistuna way dhegaysanayeen;
26ܘܡܢ ܫܠܝܐ ܙܘܥܐ ܪܒܐ ܗܘܐ ܘܐܬܬܙܝܥ ܫܬܐܤܐ ܕܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܐܬܦܬܚܘ ܡܚܕܐ ܬܪܥܐ ܟܠܗܘܢ ܘܐܤܘܪܝܗܘܢ ܕܟܠܗܘܢ ܐܫܬܪܝܘ ܀
26oo filanla'aan waxaa dhacay dhulgariir weyn, sidaas darteed aasaaskii xabsigu waa ruxmay; oo markiiba albaabbadii oo dhammu waa wada furmeen; mid walbana silsiladihiisii waa ka furmeen.
27ܘܟܕ ܐܬܬܥܝܪ ܢܛܪ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܚܙܐ ܕܦܬܝܚܝܢ ܬܪܥܐ ܕܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܢܤܒ ܤܦܤܪܐ ܘܒܥܐ ܕܢܩܛܘܠ ܢܦܫܗ ܡܛܠ ܕܤܒܪ ܗܘܐ ܕܥܪܩܘ ܠܗܘܢ ܐܤܝܪܐ ܀
27Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay.
28ܘܩܪܝܗܝ ܦܘܠܘܤ ܒܩܠܐ ܪܡܐ ܘܐܡܪ ܠܗ ܠܐ ܬܥܒܕ ܠܢܦܫܟ ܡܕܡ ܕܒܝܫ ܡܛܠ ܕܟܠܢ ܗܪܟܐ ܚܢܢ ܀
28Laakiin Bawlos baa cod weyn ku qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.
29ܘܐܢܗܪ ܠܗ ܫܪܓܐ ܘܫܘܪ ܘܥܠ ܟܕ ܪܐܬ ܘܢܦܠ ܥܠ ܪܓܠܝܗܘܢ ܕܦܘܠܘܤ ܘܕܫܝܠܐ ܀
29Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas,
30ܘܐܦܩ ܐܢܘܢ ܠܒܪ ܘܐܡܪ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܡܪܝ ܡܢܐ ܘܠܐ ܠܝ ܠܡܥܒܕ ܐܝܟ ܕܐܚܐ ܀
30markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?
31ܘܗܢܘܢ ܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܠܗ ܗܝܡܢ ܒܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܘܬܚܐ ܐܢܬ ܘܒܝܬܟ ܀
31Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.
32ܘܡܠܠܘ ܥܡܗ ܡܠܬܐ ܕܡܪܝܐ ܘܥܡ ܟܠܗܘܢ ܒܢܝ ܒܝܬܗ ܀
32Oo ereyga Rabbiga ayay kula hadleen isaga iyo kuwii gurigiisa joogay oo dhan.
33ܘܒܗ ܒܫܥܬܐ ܒܗ ܒܠܠܝܐ ܕܒܪ ܐܤܚܝ ܐܢܘܢ ܡܢ ܢܓܕܗܘܢ ܘܒܪ ܫܥܬܗ ܥܡܕ ܗܘ ܘܒܢܝ ܒܝܬܗ ܟܠܗܘܢ ܀
33Markaasuu wakhtiga habeenka qudhiisa iyagii kaxeeyey oo nabrahoodii ka maydhay; oo markiiba waa la baabtiisay isagii iyo dadkiisii oo dhanba.
34ܘܕܒܪ ܐܤܩ ܐܢܘܢ ܠܒܝܬܗ ܘܤܡ ܠܗܘܢ ܦܬܘܪܐ ܘܪܘܙ ܗܘܐ ܗܘ ܘܒܢܝ ܒܝܬܗ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܕܐܠܗܐ ܀
34Haddaba gurigiisuu iyagii keenay oo cunto hor dhigay. Isagoo Ilaah rumaysanna ayuu aad ula farxay kuwii gurigiisa joogay oo dhan.
35ܘܟܕ ܗܘܐ ܨܦܪܐ ܫܕܪܘ ܐܤܛܪܛܓܐ ܠܫܩܠܝ ܫܒܛܐ ܕܢܐܡܪܘܢ ܠܪܒ ܐܤܝܪܐ ܫܪܝ ܠܗܠܝܢ ܐܢܫܐ ܀
35Laakiin kolkii ay maalin noqotay ayaa xaakinnadii waxay direen saraakiishii oo leh, Nimankaas sii daa.
36ܘܟܕ ܫܡܥ ܪܒ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܥܠ ܐܡܪ ܠܗ ܗܝ ܗܕܐ ܡܠܬܐ ܠܦܘܠܘܤ ܕܫܕܪܘ ܐܤܛܪܛܓܐ ܐܝܟ ܕܬܫܬܪܘܢ ܘܗܫܐ ܦܘܩܘ ܙܠܘ ܒܫܠܡܐ ܀
36Markaasaa xabsihayihii hadalladaas u sheegay Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Xaakinnadii baa amar soo diray in laydin sii daayo; haddaba soo baxa oo nabad ku taga.
37ܐܡܪ ܠܗ ܦܘܠܘܤ ܕܠܐ ܤܟܠܘ ܢܓܕܘܢ ܠܥܝܢ ܥܠܡܐ ܟܠܗ ܠܐܢܫܐ ܪܗܘܡܝܐ ܘܐܪܡܝܘܢ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܗܫܐ ܡܛܫܝܐܝܬ ܡܦܩܝܢ ܠܢ ܠܐ ܓܝܪ ܐܠܐ ܗܢܘܢ ܢܐܬܘܢ ܢܦܩܘܢܢ ܀
37Laakiin Bawlos baa wuxuu iyagii ku yidhi, Caddaan bay noogu garaaceen annagoo aan nala xukumin oo ah niman reer Rooma, oo waxayna nagu rideen xabsi; imminkana ma qarsoodii bay nooga saarayaan? Sidaas ma aha; laakiin iyaga qudhoodu ha yimaadeen oo dibadda ha noo saareen.
38ܘܐܙܠܘ ܫܩܠܝ ܫܒܛܐ ܘܐܡܪܘ ܠܐܤܛܪܛܓܐ ܡܠܐ ܗܠܝܢ ܕܐܬܐܡܪ ܠܗܘܢ ܘܟܕ ܫܡܥܘ ܕܪܗܘܡܝܐ ܐܢܘܢ ܕܚܠܘ ܀
38Haddaba saraakiishii baa hadalladaas u sheegay xaakinnadii; oo kolkay maqleen inay reer Rooma yihiin ayay baqeen.
39ܘܐܬܘ ܠܘܬܗܘܢ ܘܒܥܘ ܡܢܗܘܢ ܕܢܦܩܘܢ ܘܢܫܢܘܢ ܠܗܘܢ ܡܢ ܡܕܝܢܬܐ ܀
39Markaasay yimaadeen oo cafi ka baryeen; oo kolkay dibadda u soo saareenna, waxay weyddiisteen inay magaalada ka tagaan.Oo markay xabsigii ka soo baxeen waxay galeen gurigii Ludiya, oo kolkay walaalihii arkeenna ayay dhiirigeliyeen oo ka tageen.
40ܘܟܕ ܢܦܩܘ ܡܢ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܥܠܘ ܠܘܬ ܠܘܕܝܐ ܘܚܙܘ ܬܡܢ ܠܐܚܐ ܘܒܝܐܘ ܐܢܘܢ ܘܢܦܩܘ ܀
40Oo markay xabsigii ka soo baxeen waxay galeen gurigii Ludiya, oo kolkay walaalihii arkeenna ayay dhiirigeliyeen oo ka tageen.