1ܘܥܒܪܘ ܥܠ ܐܡܦܝܦܘܠܝܤ ܘܐܦܠܘܢܝܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܐܬܘ ܠܬܤܠܘܢܝܩܐ ܐܝܟܐ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܟܢܘܫܬܐ ܕܝܗܘܕܝܐ ܀
1Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;
2ܘܥܠ ܦܘܠܘܤ ܐܝܟܢܐ ܕܡܥܕ ܗܘܐ ܠܘܬܗܘܢ ܘܫܒܐ ܬܠܬ ܡܠܠ ܥܡܗܘܢ ܡܢ ܟܬܒܐ ܀
2oo Bawlos sidii caadadiisu ahayd, ayuu iyagii u galay, oo saddex sabtiyoodna ayuu Qorniinka kala hadlay,
3ܟܕ ܡܦܫܩ ܗܘܐ ܘܡܚܘܐ ܕܥܬܝܕ ܗܘܐ ܡܫܝܚܐ ܕܢܚܫ ܘܕܢܩܘܡ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܘܗܘܝܘ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܗܢܐ ܕܡܤܒܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܀
3isagoo caddaynaya oo muujinaya inay waajib ahayd in Masiixu silco oo ka soo sara kaco kuwii dhintay, wuxuuna yidhi, Ciisahan aan idinku wacdiyey waa Masiixa.
4ܘܐܢܫܝܢ ܡܢܗܘܢ ܗܝܡܢܘ ܘܢܩܦܘ ܠܦܘܠܘܤ ܘܠܫܝܠܐ ܘܤܓܝܐܐ ܡܢ ܝܘܢܝܐ ܐܝܠܝܢ ܕܕܚܠܝܢ ܗܘܘ ܡܢ ܐܠܗܐ ܘܐܦ ܢܫܐ ܝܕܝܥܬܐ ܠܐ ܙܥܘܪܝܢ ܀
4Oo waxaa la rumaysiiyey oo Bawlos iyo Silas isku daray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa Gariig fara badan oo cibaadaysan iyo dumarka madaxda ah oo aan fara yarayn.
5ܘܚܤܡܘ ܗܘܘ ܝܗܘܕܝܐ ܘܐܩܦܘ ܠܗܘܢ ܐܢܫܐ ܒܝܫܐ ܡܢ ܫܘܩܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܘܥܒܕܘ ܐܟܠܘܤ ܤܓܝܐܐ ܘܕܠܚܘ ܗܘܘ ܠܡܕܝܢܬܐ ܘܐܬܘ ܘܩܡܘ ܠܗܘܢ ܥܠ ܒܝܬܗ ܕܐܝܤܘܢ ܘܒܥܝܢ ܗܘܘ ܕܢܦܩܘܢ ܐܢܘܢ ܡܢ ܬܡܢ ܘܢܫܠܡܘܢ ܐܢܘܢ ܠܐܟܠܘܤ ܀
5Laakiin Yuhuuddii oo ka masayrsan ayaa nimanka suuqa ka soo kaxaysatay kuwo shar leh, urur bayna isu keeneen, oo magaaladii bay buuq ka dhigeen; oo markay gurigii Yasoon weerareen ayay waxay dooneen inay iyagii dadka u soo saaraan.
6ܘܟܕ ܠܐ ܐܫܟܚܘ ܐܢܘܢ ܬܡܢ ܓܪܘܗܝ ܗܘܘ ܠܐܝܤܘܢ ܘܠܐܚܐ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܬܡܢ ܘܐܝܬܝܘ ܐܢܘܢ ܠܘܬ ܪܫܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܟܕ ܩܥܝܢ ܗܘܘ ܕܗܠܝܢ ܐܢܘܢ ܕܠܟܠܗ ܐܪܥܐ ܕܠܚܘ ܘܗܐ ܬܘܒ ܠܗܪܟܐ ܐܬܘ ܀
6Oo markay waayeen, ayay Yasoon iyo kuwo walaalo ah ku hor jiideen taliyayaashii magaalada iyagoo ku qaylinaya oo leh, Kuwii dunida rogay ayaa halkanna yimid,
7ܘܡܩܒܠܢܗܘܢ ܗܢܘ ܐܝܤܘܢ ܘܟܠܗܘܢ ܗܠܝܢ ܠܘܩܒܠ ܦܘܩܕܢܘܗܝ ܕܩܤܪ ܩܝܡܝܢ ܟܕ ܐܡܪܝܢ ܕܐܝܬ ܡܠܟܐ ܐܚܪܢܐ ܝܫܘܥ ܀
7iyagoo uu Yasoon martiggeliyey; kuwaas oo dhanna waxay falaan wax ka gees ah amarrada Kaysar, iyagoo leh, Waxaa jira boqor kale oo Ciise ah.
8ܐܬܕܠܚܘ ܕܝܢ ܪܫܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܘܟܠܗ ܥܡܐ ܟܕ ܫܡܥܘ ܗܠܝܢ ܀
8Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.
9ܘܢܤܒܘ ܥܪܒܐ ܡܢ ܐܝܤܘܢ ܘܐܦ ܡܢ ܐܚܐ ܘܗܝܕܝܢ ܫܪܘ ܐܢܘܢ ܀
9Oo kolkay Yasoon iyo kuwii kale dammiin ka qaadeen, ayay sii daayeen.
10ܐܚܐ ܕܝܢ ܒܪ ܫܥܬܗ ܒܗ ܒܠܠܝܐ ܫܪܘ ܠܦܘܠܘܤ ܘܠܫܝܠܐ ܠܒܪܘܐܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܟܕ ܐܬܘ ܠܬܡܢ ܥܐܠܝܢ ܗܘܘ ܠܟܢܘܫܬܐ ܕܝܗܘܕܝܐ ܀
10Oo markiiba walaalihii waxay habeennimo Bawlos iyo Silas u direen Beroya, kuwaas oo kolkay meeshaas yimaadeen galay sunagogga Yuhuudda.
11ܚܐܪܝܝܢ ܗܘܘ ܓܝܪ ܗܢܘܢ ܝܗܘܕܝܐ ܕܬܡܢ ܡܢ ܝܗܘܕܝܐ ܗܢܘܢ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܒܬܤܠܘܢܝܩܐ ܘܫܡܥܝܢ ܗܘܘ ܡܢܗܘܢ ܡܠܬܐ ܟܠܝܘܡ ܚܕܝܐܝܬ ܟܕ ܡܦܪܫܝܢ ܗܘܘ ܡܢ ܟܬܒܐ ܕܐܢ ܗܠܝܢ ܗܟܢܐ ܐܝܬܝܗܝܢ ܀
11Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale.
12ܘܤܓܝܐܐ ܡܢܗܘܢ ܗܝܡܢܘ ܘܗܟܢܐ ܐܦ ܡܢ ܝܘܢܝܐ ܓܒܪܐ ܤܓܝܐܐ ܘܢܫܐ ܝܕܝܥܬܐ ܀
12Sidaas darteed kuwa badan oo iyaga ka mid ah baa rumaystay iyo dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo niman aan fara yarayn.
13ܘܟܕ ܝܕܥܘ ܗܢܘܢ ܝܗܘܕܝܐ ܕܡܢ ܬܤܠܘܢܝܩܐ ܕܡܠܬܗ ܕܐܠܗܐ ܐܬܟܪܙܬ ܡܢ ܦܘܠܘܤ ܒܒܪܘܐܐ ܡܕܝܢܬܐ ܐܬܘ ܐܦ ܠܬܡܢ ܘܠܐ ܫܠܝܘ ܠܡܙܥܘ ܘܠܡܕܠܚܘ ܠܐܢܫܘܬܐ ܀
13Laakiin kolkii Yuhuuddii Tesaloniika joogtay ogaatay in Bawlos ereyga Ilaah Beroya ku wacdiyey, ayay meeshaasna yimaadeen oo qas iyo dhib geliyeen dadkii badnaa.
14ܘܠܦܘܠܘܤ ܫܪܐܘܗܝ ܐܚܐ ܕܢܚܘܬ ܠܗ ܠܝܡܐ ܘܩܘܝ ܗܘܐ ܒܗ ܒܡܕܝܢܬܐ ܗܝ ܫܝܠܐ ܘܛܝܡܬܐܘܤ ܀
14Markaasaa walaalihii kolkiiba Bawlos u direen inuu tago ilaa badda; Silas iyo Timoteyosna halkaasay weli joogeen.
15ܘܗܢܘܢ ܕܐܬܠܘܝܘ ܠܗ ܠܦܘܠܘܤ ܐܬܘ ܥܡܗ ܥܕܡܐ ܠܐܬܢܘܤ ܡܕܝܢܬܐ ܘܟܕ ܢܦܩܝܢ ܡܢ ܨܐܕܘܗܝ ܩܒܠܘ ܡܢܗ ܐܓܪܬܐ ܠܘܬ ܫܝܠܐ ܘܛܝܡܬܐܘܤ ܕܒܥܓܠ ܢܐܙܠܘܢ ܠܘܬܗ ܀
15Laakiin kuwii Bawlos ambabbixiyey waxay isagii keeneen ilaa Ateenay; markaasay ka tageen iyagoo Silas iyo Timoteyos amar u qaadaya inay degdeg u yimaadaan.
16ܗܘ ܕܝܢ ܦܘܠܘܤ ܟܕ ܡܩܘܐ ܗܘܐ ܒܐܬܢܘܤ ܡܬܡܪܡܪ ܗܘܐ ܒܪܘܚܗ ܟܕ ܚܙܐ ܗܘܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܟܠܗ ܡܠܝܐ ܦܬܟܪܐ ܀
16Haddaba Bawlos intuu Ateenay ku sugayay iyagii, ruuxiisu waa kacay markuu arkay magaalada oo sanamyo ka buuxaan.
17ܘܡܡܠܠ ܗܘܐ ܒܟܢܘܫܬܐ ܥܡ ܝܗܘܕܝܐ ܘܥܡ ܐܝܠܝܢ ܕܕܚܠܝܢ ܡܢ ܐܠܗܐ ܘܒܫܘܩܐ ܥܡ ܐܝܠܝܢ ܕܡܤܬܩܒܠܝܢ ܗܘܘ ܟܠܝܘܡ ܀
17Saas daraaddeed ayuu Yuhuuddii iyo nimankii cibaadaysnaa kula xaajooday sunagogga, suuqa dhexdiisana ayuu maalin walba kula xaajooday kuwii kula kulmayba.
18ܘܐܦ ܦܝܠܤܘܦܐ ܕܡܢ ܝܘܠܦܢܗ ܕܐܦܝܩܘܪܤ ܘܐܚܪܢܐ ܕܡܬܩܪܝܢ ܤܛܘܐܝܩܘ ܕܪܫܝܢ ܗܘܘ ܥܡܗ ܘܐܢܫ ܐܢܫ ܡܢܗܘܢ ܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܡܢܐ ܨܒܐ ܗܢܐ ܡܠܩܛ ܡܠܐ ܘܐܚܪܢܐ ܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܕܐܠܗܐ ܢܘܟܪܝܐ ܡܟܪܙ ܡܛܠ ܕܠܝܫܘܥ ܘܠܩܝܡܬܗ ܡܟܪܙ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܀
18Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.
19ܘܐܚܕܘܗܝ ܘܐܝܬܝܘܗܝ ܠܒܝܬ ܕܝܢܐ ܕܡܬܩܪܐ ܐܪܝܘܤ ܦܓܘܤ ܟܕ ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܡܫܟܚܝܢܢ ܠܡܕܥ ܡܢܘ ܗܢܐ ܝܘܠܦܢܐ ܚܕܬܐ ܕܡܟܪܙ ܐܢܬ ܀
19Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?
20ܡܠܐ ܓܝܪ ܢܘܟܪܝܬܐ ܙܪܥ ܐܢܬ ܒܡܫܡܥܬܢ ܘܨܒܝܢܢ ܠܡܕܥ ܡܢܐ ܐܢܝܢ ܗܠܝܢ ܀
20Waayo, waxaad dhegahayaga maqashiisaa waxyaalo qalaad. Sidaa darteed waxaannu doonaynaa inaannu ogaanno waxyaalahanu waxay yihiin.
21ܐܬܢܝܐ ܕܝܢ ܟܠܗܘܢ ܘܐܝܠܝܢ ܕܐܬܝܢ ܠܬܡܢ ܢܘܟܪܝܐ ܥܠ ܡܕܡ ܐܚܪܝܢ ܠܐ ܒܛܝܠ ܠܗܘܢ ܐܠܐ ܠܡܐܡܪ ܘܠܡܫܡܥ ܡܕܡ ܚܕܬ ܀
21(Haddaba reer Ateenay oo dhammi iyo dadkii qalaad oo halkaas degganaa, wakhtigooda wax kale kuma ay dhaafin inay sheegaan ama maqlaan wax cusub mooyaane.)
22ܘܟܕ ܩܡ ܦܘܠܘܤ ܒܐܪܝܘܤ ܦܓܘܤ ܐܡܪ ܓܒܪܐ ܐܬܢܝܐ ܚܙܐ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܒܟܠܗܝܢ ܝܬܝܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܕܚܠܬ ܫܐܕܐ ܀
22Markaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada.
23ܟܕ ܓܝܪ ܡܬܟܪܟ ܗܘܝܬ ܘܚܙܐ ܗܘܝܬ ܒܝܬ ܕܚܠܬܟܘܢ ܐܫܟܚܬ ܥܠܬܐ ܚܕܐ ܕܟܬܝܒ ܗܘܐ ܥܠܝܗ ܕܐܠܗܐ ܓܢܝܙܐ ܗܘ ܗܟܝܠ ܕܟܕ ܠܐ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܚܠܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܗ ܠܗ ܠܗܢܐ ܐܢܐ ܡܤܒܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܀
23Waayo, markaan soo socday oo aan arkay waxyaalaha aad caabuddaan waxaan soo arkay oo kale meel allabari oo lagu qoray, Waxaa leh ilaah aan la oqoon. Haddaba waxaad oqoonla'aanta ku caabuddaan ayaan wax idiinka sheegayaa.
24ܐܠܗܐ ܓܝܪ ܕܥܒܕ ܥܠܡܐ ܘܟܠ ܡܐ ܕܐܝܬ ܒܗ ܘܗܘܝܘ ܡܪܐ ܕܫܡܝܐ ܘܕܐܪܥܐ ܒܗܝܟܠܐ ܕܥܒܕ ܐܝܕܝܐ ܠܐ ܫܪܐ ܀
24Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey,
25ܘܠܐ ܡܫܬܡܫ ܡܢ ܐܝܕܝ ܒܢܝܢܫܐ ܘܥܠ ܡܕܡ ܠܐ ܤܢܝܩ ܡܛܠ ܕܗܘ ܝܗܒ ܠܟܠܢܫ ܚܝܐ ܘܢܦܫܐ ܀
25gacmo dadna looguma adeego sidii isagoo wax u baahan, maxaa yeelay, dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba;
26ܘܡܢ ܚܕ ܕܡ ܥܒܕ ܥܠܡܐ ܟܠܗ ܕܒܢܝܢܫܐ ܕܢܗܘܘܢ ܥܡܪܝܢ ܥܠ ܐܦܝ ܐܪܥܐ ܟܠܗ ܘܦܪܫ ܙܒܢܐ ܒܦܘܩܕܢܗ ܘܤܡ ܬܚܘܡܐ ܕܥܘܡܪܐ ܕܒܢܝܢܫܐ ܀
26oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;
27ܕܢܗܘܘܢ ܒܥܝܢ ܠܐܠܗܐ ܘܡܥܩܒܝܢ ܘܡܢ ܒܪܝܬܗ ܡܫܟܚܝܢ ܠܗ ܡܛܠ ܕܐܦ ܠܐ ܗܘܐ ܪܚܝܩ ܡܢ ܟܠ ܡܢܢ ܀
27inay Ilaah doondoonaan, in hadday suurtowdo ay haabhaabtaan oo ay helaan isaga, in kastoo uusan ka fogayn midkeen kasta;
28ܒܗ ܗܘ ܓܝܪ ܚܝܝܢܢ ܘܡܬܬܙܝܥܝܢܢ ܘܐܝܬܝܢ ܐܝܟ ܕܐܦ ܐܢܫܐ ܡܢ ܚܟܝܡܐ ܕܠܘܬܟܘܢ ܐܡܪܘ ܕܡܢܗ ܗܘ ܛܘܗܡܢ ܀
28maxaa yeelay, isagaynu ku nool nahay, kuna soconnaa, kuna jirnaa; sidaasoo kuwo ka mid ah gabayayaashiinnu ay yidhaahdeen, Weliba innaguna waxaynu nahay farcankiisa.
29ܐܢܫܐ ܗܟܝܠ ܕܛܘܗܡܢ ܡܢ ܐܠܗܐ ܗܘ ܠܐ ܚܝܒܝܢܢ ܠܡܤܒܪ ܕܠܕܗܒܐ ܐܘ ܠܤܐܡܐ ܐܘ ܠܟܐܦܐ ܕܓܠܝܦܐ ܒܐܘܡܢܘܬܐ ܘܒܝܕܥܬܐ ܕܒܪܢܫܐ ܕܡܝܐ ܐܠܗܘܬܐ ܀
29Haddaba innagoo ah Ilaah farcankiis waa inaynaan ka fikirin in Ilaahnimadu ay la mid tahay dahab ama lacag ama dhagax oo lagu xardhay sancada iyo farsamada dadka.
30ܙܒܢܐ ܓܝܪ ܕܛܥܝܘܬܐ ܐܥܒܪ ܐܠܗܐ ܘܒܙܒܢܐ ܗܢܐ ܡܦܩܕ ܠܟܠܗܘܢ ܒܢܝܢܫܐ ܕܟܠ ܐܢܫ ܒܟܠ ܕܘܟܐ ܢܬܘܒ ܀
30Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobad keenaan;
31ܡܛܠ ܕܐܩܝܡ ܝܘܡܐ ܕܒܗ ܥܬܝܕ ܕܢܕܘܢ ܐܪܥܐ ܟܠܗ ܒܟܐܢܘܬܐ ܒܝܕ ܓܒܪܐ ܐܝܢܐ ܕܦܪܫ ܘܐܦܢܝ ܠܟܠ ܐܢܫ ܠܗܝܡܢܘܬܗ ܒܕܐܩܝܡܗ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܀
31maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.
32ܘܟܕ ܫܡܥܘ ܩܝܡܬܐ ܕܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܡܢܗܘܢ ܡܡܝܩܝܢ ܗܘܘ ܘܡܢܗܘܢ ܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܒܙܒܢ ܐܚܪܝܢ ܫܡܥܝܢܢ ܠܟ ܥܠ ܗܕܐ ܀
32Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.
33ܘܗܟܢܐ ܢܦܩ ܦܘܠܘܤ ܡܢ ܒܝܢܬܗܘܢ ܀
33Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.Laakiin niman baa raacay isagii oo rumaystay; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Diyonusiyos ki Are'obagos, iyo haweenay la odhan jiray Damaris, iyo kuwo kale oo la socdayba.
34ܘܐܢܫܝܢ ܡܢܗܘܢ ܢܩܦܘܗܝ ܘܗܝܡܢܘ ܚܕ ܕܝܢ ܡܢܗܘܢ ܐܝܬܘܗܝ ܗܘܐ ܕܝܢܘܤܝܘܤ ܡܢ ܕܝܢܐ ܕܐܪܝܘܤ ܦܓܘܤ ܘܐܢܬܬܐ ܚܕܐ ܕܫܡܗ ܗܘܐ ܕܡܪܝܤ ܘܐܚܪܢܐ ܥܡܗܘܢ ܀
34Laakiin niman baa raacay isagii oo rumaystay; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Diyonusiyos ki Are'obagos, iyo haweenay la odhan jiray Damaris, iyo kuwo kale oo la socdayba.