1Praise Yah! Praise, you servants of Yahweh, praise the name of Yahweh.
1Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.
2Blessed be the name of Yahweh, from this time forth and forevermore.
2Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
3From the rising of the sun to the going down of the same, Yahweh’s name is to be praised.
3Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
4Yahweh is high above all nations, his glory above the heavens.
4Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.
5Who is like Yahweh, our God, who has his seat on high,
5Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare,
6Who stoops down to see in heaven and in the earth?
6Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
7He raises up the poor out of the dust. Lifts up the needy from the ash heap;
7Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda, Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
8that he may set him with princes, even with the princes of his people.
8Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro, Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso, Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh. Rabbiga ammaana.
9He settles the barren woman in her home, as a joyful mother of children. Praise Yah!
9Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso, Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh. Rabbiga ammaana.