World English Bible

Somali

Psalms

146

1Praise Yah! Praise Yahweh, my soul.
1Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
2While I live, I will praise Yahweh. I will sing praises to my God as long as I exist.
2Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa, Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
3Don’t put your trust in princes, each a son of man in whom there is no help.
3Ha isku hallaynina amiirrada Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
4His spirit departs, and he returns to the earth. In that very day, his thoughts perish.
4Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii. Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
5Happy is he who has the God of Jacob for his help, whose hope is in Yahweh, his God:
5Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
6who made heaven and earth, the sea, and all that is in them; who keeps truth forever;
6Oo sameeyey cirka iyo dhulka, Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, Oo runtana dhawra weligiisba,
7who executes justice for the oppressed; who gives food to the hungry. Yahweh frees the prisoners.
7Oo kuwa la dulmay u garsoora, Oo kuwa gaajaysanna quud siiya. Rabbigu maxaabiistuu furaa.
8Yahweh opens the eyes of the blind. Yahweh raises up those who are bowed down. Yahweh loves the righteous.
8Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha, Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya, Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
9Yahweh preserves the foreigners. He upholds the fatherless and widow, but the way of the wicked he turns upside down.
9Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah, Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada, Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis, Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab. Rabbiga ammaana.
10Yahweh will reign forever; your God, O Zion, to all generations. Praise Yah!
10Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis, Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab. Rabbiga ammaana.