1Praise Yah, for it is good to sing praises to our God; for it is pleasant and fitting to praise him.
1Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
2Yahweh builds up Jerusalem. He gathers together the outcasts of Israel.
2Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
3He heals the broken in heart, and binds up their wounds.
3Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa.
4He counts the number of the stars. He calls them all by their names.
4Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda, Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
5Great is our Lord, and mighty in power. His understanding is infinite.
5Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
6Yahweh upholds the humble. He brings the wicked down to the ground.
6Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
7Sing to Yahweh with thanksgiving. Sing praises on the harp to our God,
7Rabbiga mahad naqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
8who covers the sky with clouds, who prepares rain for the earth, who makes grass grow on the mountains.
8Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.
9He provides food for the livestock, and for the young ravens when they call.
9Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
10He doesn’t delight in the strength of the horse. He takes no pleasure in the legs of a man.
10Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
11Yahweh takes pleasure in those who fear him, in those who hope in his loving kindness.
11Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
12Praise Yahweh, Jerusalem! Praise your God, Zion!
12Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
13For he has strengthened the bars of your gates. He has blessed your children within you.
13Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
14He makes peace in your borders. He fills you with the finest of the wheat.
14Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
15He sends out his commandment to the earth. His word runs very swiftly.
15Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka, Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
16He gives snow like wool, and scatters frost like ashes.
16Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale, Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
17He hurls down his hail like pebbles. Who can stand before his cold?
17Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale, Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
18He sends out his word, and melts them. He causes his wind to blow, and the waters flow.
18Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga, Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
19He shows his word to Jacob; his statutes and his ordinances to Israel.
19Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub, Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn. Xukummadiisiina ma ay garanaynin, Rabbiga ammaana.
20He has not done this for just any nation. They don’t know his ordinances. Praise Yah!
20Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn. Xukummadiisiina ma ay garanaynin, Rabbiga ammaana.