1لانه يوجد للفضة معدن وموضع للذهب حيث يمحصونه.
1Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo, Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo.
2الحديد يستخرج من التراب والحجر يسكب نحاسا.
2Birta waxaa laga soo bixiyaa ciidda, Oo naxaastana waxaa laga dhalaaliyaa dhagaxa.
3قد جعل للظلمة نهاية والى كل طرف هو يفحص. حجر الظلمة وظل الموت.
3Dadku gudcurkuu dhammeeyaa, Oo tan iyo soohdinta ugu shishaysana waxay baadhaan Dhagaxyada ku jira gudcurka qarada leh iyo hooska dhimashada.
4حفر منجما بعيدا عن السكان. بلا موطئ للقدم متدلّين بعيدين من الناس يتدلدلون.
4Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.
5ارض يخرج منها الخبز اسفلها ينقلب كما بالنار.
5Cuntadu dhulkay ka soo baxdaa, Oo dhankiisa hoosena wuu rogmadaa sida wax dabku rogo oo kale.
6حجارتها هي موضع الياقوت الازرق وفيها تراب الذهب.
6Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.
7سبيل لم يعرفه كاسر ولم تبصره عين باشق.
7Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,
8ولم تدسه اجراء السبع ولم يعده الزائر.
8Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.
9الى الصوان يمد يده. يقلب الجبال من اصولها.
9Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag, Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa.
10ينقر في الصخر سربا وعينه ترى كل ثمين.
10Dhagaxyada dhexdooda wuxuu ka jeexaa keliyo, Oo ishiisuna wax kasta oo qaali ah way aragtaa.
11يمنع رشح الانهار وابرز الخفيات الى النور
11Wuxuu xidhaa durdurrada si ayan u dareerin, Oo waxa qarsoonna wuxuu u soo bannaan bixiyaa iftiinka.
12اما الحكمة فمن اين توجد واين هو مكان الفهم.
12Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
13لا يعرف الانسان قيمتها ولا توجد في ارض الاحياء.
13Dadku qiimaheeda ma yaqaan, Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo.
14الغمر يقول ليست هي فيّ والبحر يقول ليست هي عندي.
14Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto, Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto.
15لا يعطى ذهب خالص بدلها ولا توزن فضة ثمنا لها.
15Dahab laguma heli karo, Lacagna looma miisaamo.
16لا توزن بذهب اوفير او بالجزع الكريم او الياقوت الازرق.
16Laguma qiimayn karo dahabka Oofir, Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.
17لا يعادلها الذهب ولا الزجاج ولا تبدل باناء ذهب ابريز.
17Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.
18لا يذكر المرجان او البلور وتحصيل الحكمة خير من اللآلئ.
18Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madarad, Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul.
19لا يعادلها ياقوت كوش الاصفر ولا توزن بالذهب الخالص
19Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.
20فمن اين تأتي الحكمة واين هو مكان الفهم.
20Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
21اذ أخفيت عن عيون كل حيّ وسترت عن طير السماء.
21Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda, Oo haadka hawadana waa laga deday.
22الهلاك والموت يقولان بآذاننا قد سمعنا خبرها.
22Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin, Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.
23الله يفهم طريقها وهو عالم بمكانها.
23Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.
24لانه هو ينظر الى اقاصي الارض. تحت كل السموات يرى.
24Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda, Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
25ليجعل للريح وزنا ويعاير المياه بمقياس.
25Markuu dabaysha miisaamo, Oo uu biyahana qiyaaso.
26لما جعل للمطر فريضة ومذهبا للصواعق
26Markuu roobka qaynuun u sameeyey, Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,
27حينئذ رآها واخبر بها هيأها وايضا بحث عنها
27Ayuu arkay, oo ka hadlay, Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.
28وقال للانسان هوذا مخافة الرب هي الحكمة والحيدان عن الشر هو الفهم
28Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.