الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

29

1وعاد ايوب ينطق بمثله فقال
1Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,
2يا ليتني كما في الشهور السالفة وكالايام التي حفظني الله فيها
2Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore, Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,
3حين اضاء سراجه على راسي وبنوره سلكت الظلمة.
3Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay, Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,
4كما كنت في ايام خريفي ورضا الله على خيمتي
4Markii aan xoog lahaan jiray, Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,
5والقدير بعد معي وحولي غلماني
5Markii Ilaaha Qaadirka ahu ila jiri jiray, Oo carruurtayduna ay hareerahayga joogi jireen,
6اذ غسلت خطواتي باللبن والصخر سكب لي جداول زيت
6Markay tallaabooyinkaygu subagga la barwaaqoobi jireen, Oo ay webiyaasha saliidda ahu dhagaxa iiga soo shubmi jireen!
7حين كنت اخرج الى الباب في القرية واهيّئ في الساحة مجلسي.
7Markaan magaalada iriddeeda u bixi jiray, Oo aan kursigayga meel bannaan ku diyaarin jiray.
8رآني الغلمان فاختبأوا والاشياخ قاموا ووقفوا.
8Dhallinyaradu intay i arkaan ayay dhuuman jireen, Oo odayaashuna intay sara joogsadaan ayay istaagi jireen,
9العظماء امسكوا عن الكلام ووضعوا ايديهم على افواههم.
9Amiirraduna intay hadalka joojiyaan, Ayay afka gacanta saari jireen.
10صوت الشرفاء اختفى ولصقت ألسنتهم باحناكهم.
10Ragga gobta ahuna way aamusi jireen, Oo carrabkoodiina dhabxanagguu ku dhegi jiray.
11لان الاذن سمعت فطوّبتني والعين رأت فشهدت لي.
11Waayo, markii dhegu i maqasho, way ii ducayn jirtay, Oo iluna markay i aragto, way ii marag furi jirtay.
12لاني انقذت المسكين المستغيث واليتيم ولا معين له.
12Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya, Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.
13بركة الهالك حلت عليّ وجعلت قلب الارملة يسرّ.
13Ka halligaadda ku dhow ducadiisa ayaa igu soo degi jirtay, Oo ta carmalka ahna qalbigeeda waan ka farxin jiray ilaa ay gabay la rayrayso.
14لبست البر فكساني. كجبّة وعمامة كان عدلي.
14Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay, Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.
15كنت عيونا للعمي وارجلا للعرج.
15Kuwa indhaha la' indho baan u ahaan jiray, Kuwa curyaanka ahna cago baan u ahaan jiray.
16اب انا للفقراء ودعوى لم اعرفها فحصت عنها.
16Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan, Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray.
17هشمت اضراس الظالم ومن بين اسنانه خطفت الفريسة.
17Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray, Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.
18فقلت اني في وكري اسلم الروح ومثل السمندل اكثر اياما.
18Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa, Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.
19أصلي كان منبسطا الى المياه والطل بات على اغصاني.
19Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa, Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.
20كرامتي بقيت حديثة عندي وقوسي تجددت في يدي.
20Sharaftaydu way igu cusub tahay, Oo qaansadayduna gacantayday ku cusboonaatay.
21لي سمعوا وانتظروا ونصتوا عند مشورتي.
21Dadku dhegtuu ii dhigi jiray, oo i sugi jiray, Oo taladayda aawadeedna way u aamusi jireen.
22بعد كلامي لم يثنّوا وقولي قطر عليهم.
22Weligood igama ay daba hadlin, Oo hadalkayguna korkooduu ku soo dhibci jiray.
23وانتظروني مثل المطر وفغروا افواههم كما للمطر المتأخر.
23Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale, Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.
24ان ضحكت عليم لم يصدقوا ونور وجهي لم يعبسوا.
24Waan u af caddayn jiray markay qalbi jabaan, Oo nuurkii jaahaygana hoos uma ay tuuri jirin.Waxaan dooran jiray jidkooda, oo sida nin madax ah ayaan u fadhiisan jiray, Oo waxaan u dhaqmi jiray sidii boqor ciidan dhex fadhiya, Iyo sidii mid u tacsiyeeya kuwa baroorta.
25كنت اختار طريقهم واجلس راسا واسكن كملك في جيش كمن يعزي النائحين
25Waxaan dooran jiray jidkooda, oo sida nin madax ah ayaan u fadhiisan jiray, Oo waxaan u dhaqmi jiray sidii boqor ciidan dhex fadhiya, Iyo sidii mid u tacsiyeeya kuwa baroorta.