الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

30

1واما الآن فقد ضحك علي اصاغري اياما الذين كنت استنكف من ان اجعل آبائهم مع كلاب غنمي.
1Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.
2قوة ايديهم ايضا ما هي لي. فيهم عجزت الشيخوخة.
2Nimanka xooggoodu dhammaaday Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?
3في العوز والمحل مهزولون عارقون اليابسة التي هي منذ امس خراب وخربة.
3Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar, Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.
4الذين يقطفون الملاح عند الشيح واصول الرّتم خبزهم.
4Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal, Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.
5من الوسط يطردون. يصيحون عليهم كما على لص.
5Iyaga dadka waa laga dhex eryaa, Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.
6للسكن في اودية مرعبة وثقب التراب والصخور.
6Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka, Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.
7بين الشيح ينهقون. تحت العوسج ينكبّون.
7Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda, Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.
8ابناء الحماقة بل ابناء اناس بلا اسم سيطوا من الارض
8Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood, Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.
9اما الآن فصرت اغنيتهم واصبحت لهم مثلا.
9Oo haatan gabay cay ah baan u noqday, Oo halqabsi baan u ahay.
10يكرهونني. يبتعدون عني وامام وجهي لم يمسكوا عن البسق.
10Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan, Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
11لانه اطلق العنان وقهرني فنزعوا الزمام قدامي.
11Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.
12عن اليمين الفروخ يقومون يزيحون رجلي ويعدّون عليّ طرقهم للبوار.
12Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq, Oo cagtaydana way iska riixaan, Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.
13افسدوا سبلي. اعانوا على سقوطي. لا مساعد عليهم.
13Jidadkayga way halleeyaan, Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda; Oo mid caawiyaana ma jiro.
14ياتون كصدع عريض. تحت الهدّة يتدحرجون.
14Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
15انقلبت عليّ اهوال. طردت كالريح نعمتي فعبرت كالسحاب سعادتي
15Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn, Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale. Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.
16فالآن انهالت نفسي عليّ واخذتني ايام المذلّة.
16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
17الليل ينخر عظامي فيّ وعارقيّ لا تهجع.
17Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
18بكثرة الشدة تنكّر لبسي. مثل جيب قميصي حزمتني.
18Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
19قد طرحني في الوحل فاشبهت التراب والرماد.
19Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
20اليك اصرخ فما تستجيب لي. اقوم فما تنتبه اليّ.
20Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid, Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
21تحولت الى جاف من نحوي. بقدرة يدك تضطهدني.
21Calooladeeg baad igula soo jeesatay, Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
22حملتني اركبتني الريح وذوبتني تشوها.
22Kor baad iigu qaaddaa dabaysha, Oo waxaad i fuushisaa dusheeda, Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
23لاني اعلم انك الى الموت تعيدني والى بيت ميعاد كل حيّ.
23Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
24ولكن في الخراب ألا يمد يدا. في البليّة ألا يستغيث عليها
24Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?
25ألم ابك لمن عسر يومه. ألم تكتئب نفسي على المسكين.
25Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
26حينما ترجيت الخير جاء الشر. وانتظرت النور فجاء الدجى.
26Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta, Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
27امعائي تغلي ولا تكف. تقدمتني ايام المذلة.
27Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
28اسوددت لكن بلا شمس. قمت في الجماعة اصرخ.
28Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa, Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
29صرت اخا للذئاب وصاحبا لرئال النعام.
29Waxaan noqday walaalka dawacooyinka, Iyo saaxiibka gorayada.
30حرش جلدي عليّ وعظامي احترّت من الحرارة فيّ.
30Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa, Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho, Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.
31صار عودي للنوح ومزماري لصوت الباكين
31Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho, Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.